Daawo Sawirada:- Hey'adda Nabadsugida oo soo bandhigtay rag ka tirsan Shabaab, mid ka mid ahna xirnaa dharka Dumarka

Daawo Sawirada:- Hey'adda Nabadsugida oo soo bandhigtay rag ka tirsan Shabaab, mid ka mid ahna xirnaa dharka Dumarka

daajis.com:-Hey'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka ayaa maanta soo bandhigay rag ka tirsan Shabaab, kuwaasoo lagu soo qabtay howl galo ay sameeyeen ciidamada nabadsugida oo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ragga la soo qabtay ayaa gaarayay lix ruux, waxaana saraakiisha nabadsugida qaranka ay sheegeen in lagu soo qabtay, iyagoo ku guda jiray falal lagu carqaladeynayo amniga caasimada.

Mid ka mid ah raga la soo qabtay ayaa waxaa uu xirnaa dharka dumarka, gaar ahaan xijaab iyo indha shareer, si uu isugu qariyo, uguna fuliyo falal amniga lidka ku ah sida ay sheegeen saraakiisha nabadsugida.

Saraakiisha nabada sugida ayaa sheegay howl gal ay ka sameeyeen degmada Waabari ay ka soo qabteen ninkan xirnaa dharka dumarka, ayna isku xirnaayeen afar ruux oo kale oo qaarkood la tilmaamay inay ahaayeen saraakiil hoose, isla markaana fulin jiray dilalka qorsheysan, iyo bambooyinka lagu weeraro xarumaha dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada