Daawo Muuqaal:- Masuul sare oo ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo Shaaciyay Hadal Aad iyo Aad Loola Yaabay!!

Daawo Muuqaal:- Masuul sare oo ka tirsan Maamulka Soomaaliland oo Shaaciyay Hadal Aad iyo Aad Loola Yaabay!!

daajis.com:-Masuul sare oo ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay shaaciyey in maalinta loo aqoonsaday xuska gooni isutaaga Soomaaliland ee 18ka May ay tahay maalin aan jirin oo laga been sheegay islamarkaana uu nin faaliye ah uu horey u sheegay inay maalintaas tahay maalin maran oo aan waligeed waxba noqon doonin 


Masuulkaan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Cabdi Xaaji Cumar (Jawaan) oo ah ruug cadaa mudo dheer ku soo jirey siyaasada maamulka Soomaaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay sheegay in maalinta qarinimada Soomaaliland laga xuso oo ah 18ka May ay tahay maalin aan jirin islamarkaana uu nin faaliye ah horey u sheegay inaysan maalintaas waxba noqon doonin oo ay ahaan doonto maalin maran oo tooko feero ah oo aan waligeedna waxba ka soo naasacadaan doonin aduunkana uusan dowlad u aqoonsan doonin maamulka Soomaaliland, Masuulkaan ayaa waxaa uu sheegay in maalinta lagu dhawaaqay in loo aqoonsado gooni istaaga maamulka Soomaaliland ay tahay 17ka bisha May, asagoona wax lala yaabo ku tilmaamay in maalintaas laga badalay oo loo raray taariiq kale oo aan la aqoon sababta loogu raray, 

Dhanka kale masuulkaan ayaa waxaa kale oo uu ku eedeeyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho inay waligood laga soo bilaabo ilaa iyo markii xoriyada la qaatey inay ahaayeen dad aan rabin dowladnimo oo uu qabiil madax marey, islamarkaana ah dad aqoon gaaban oo ku dayda oo kaliya waxa ay ka arkaan dadka reer Soomaaliland oo aaney ayagu aysan waxba la imaan karin. 

Ugu dambeyntiina iyadoo masuulkaas ka tirsan maamulka Soomaaliland uu shaaciyey arintaas ku cusub dhegaha dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa kale oo uu masuulkaas sheegay in sanadihii ugu horeeyey markii lagu dhawaaqay gooni isutaaga maamulka Soomaaliland la xusi jirey maalintaas 17ka May, Masuulkaan ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ka naxo marka uu maqlo 18ka May oo uu soo xasuusto hadalkii ninkii faaliyaha ahaa uu ku yiri waa maalin maran oo waxba noqon meyso, Maalinta 18ka May oo ah maalin ay taageerayaasha gooni isu taaga Soomaaliland ay u aqoonsan yihiin inay tahay maalintii dhidibada loo aasaasay maamulkaas islamarkaana maalntaas si aad iyo ah looga xuso loogana qiimeeyo deegaanada maamulka Soomaaliland ayaan waxaan la ogeyn in hadalka ka soo yeeray masuulkaan ay ariintaas wax ka badali doonto iyo in kale. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada