Muxuu Tababare Arsene Wenger Ka Yiri Xasuuqa iyo Guuldarada Arsenal Ka Soo Gaartay Stoke City?

Muxuu Tababare Arsene Wenger Ka Yiri Xasuuqa iyo Guuldarada Arsenal Ka Soo Gaartay Stoke City?

daajis.com:-Arsene Wenger ayaa ku qeexay go’aankii uu garsoore Mike Jones rigoore uga dhigay kubadii uu gacanta ku taabtay Laurent Koscielny hadiyad fiican oo uu siiyay kooxda martida loo ahaa ka dib guuldaradii 1-0 ee Arsenal ku soo gaartay Britannia Stadium.

Jon Walters ayaa rigooradaas gool u sarifay daqiiqadii 76aad iyadoo natiijadaana ay wax weyn u dhimeyso hamigii Arsenal ay ka laheyd hanashada horyaalka, laakiin Wenger ayaa dareensan in daaficiisa uu isku dayayay kaliya inuu kubada ka wareego.
“Waxa ay aheyd hadiyad fiican oo ay ka heleen garsooraha” ayuu yiri Wenger ka dib ciyaarta.
“Koscielny hal yard kaliya ayuu u jiray kubada. Waqti dhan ma uusan heysanin. Sidee ayuu gacantiisa uga leexin karay? Ma jirin fursad uu sidaas ku sameeyo.”
Tababaraha Faransiiska ayaa sidoo kale qirtay in guuldaradan ay dhabarjab weyn ku tahay hamigooda hanashada horyaalka iyadoo kooxda Waqooyiga London ay afar dhibcood ka danbeyso kooxda hogaanka heysa ee Chelsea kuwaasoo guul ka gaaray Fulham.

“Waa walwal weyn inaanan badinin kulan sidaas oo kale ah.” ayuu yiri.
“Waa dib u dhac aad u weyn.
“Ma aanan soo bandhigin qaab ciyaareedkii aan dooneynay. Si aad ugu guuleysato horyaalka waa inaad qaab ciyaareed fiican soo bandhigtaa marka lagaa filanayo.
“Wax qiimeyn ah kuma sameynayo fursadeena horyaalka gabi ahaanba. Kaliya waa inaan si fiican u ciyaarno kulanka soo socda.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada