Daawo Sawirada:- Ururka Xisbul Islaam oo si kulul u dhaleeceeyay Hogaamiya Al-Shabaab baaqna u diray Dowlada

Daawo Sawirada:- Ururka Xisbul Islaam oo si kulul u dhaleeceeyay Hogaamiya Al-Shabaab baaqna u diray Dowlada

daajis.com:-Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ururka Xisbul Islaam Shiikh Maxamed Macalim Cali oo Maanta Warbaahinta Shir Jaraa'id uu ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u dhaleeceeyay Hogaamiyaha Xarakada Al-Shabaab Axmed Godane.

Shiikh Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in Hogaamiyaha Guud ee Ururka Al-Shabaab Axmed Godane si xaqdaro ah u amro in la gumaado oo la dilo dad rayid ah oon waxba galabsan sida uu tilmaamay.

Xoghayaha Ururka Zisbul Islaam ayaa xusay in Xarakada Al-Shabaab si gardaro ah markasta u dilaan Dadka wax galka u ah bulshada sida Culumaa'udiinka ,Aqoonyahanada iyo dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Shiikh Maxamed Macalin Cali ayaa dhinaca kale ugu baaqay Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay sii deyso Sheekh Xasan Daahir Aweys uu tilmaamay in si xaqdaro ah uu ugu xiran yahay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Ururkii Xisbul Islaam ayaa sheegay in wax walba wadahadal ay ka gali doonaan xaalada waddanka cid kasta oo mudan in lala fariisto dal iyo dibad , waxa uuna ku baaqay in Ciidamada AMISOM dalka laga saaro.

Xisbul Islaam ayaa soo saaray Qodobadan.

1-Ururka Xisbul Islaami waxa uu qaatay wada xaajood siyaasadeed.

2-Waxaan cadeyneynaa Axmed Godane inan kasoo horjeedo mowqifkiisa guracan.

3-Hadii aanu nahay xisbul islaami waxaan kasoo horjeednaa joogitaanka ciidamada AMISOM ee kusugan Somaliya

4-Xisbul islaami waxa uu Diyaar uyahay wada xaajood walbo oo dalka hormar ku gaarayo

5-Ururka Xisbul islaami waxa uu Baaq udirayaa shacabka in laga wada shaqeeyo midnimo iyo ka hortag in dalka lala wareegin.

6-Ururka waxa uu dawlada Somaliya ugu baaqayaa inay iska sii deyso Shiikh Xasan Daahir Aweys.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada