Madaxweynaha Mareykanka oo uga digay Ruushka cawaaqibka ka dhalan kara fara gelinta Ukraine

Madaxweynaha Mareykanka oo uga digay Ruushka cawaaqibka ka dhalan kara fara gelinta Ukraine

daajis.com:-Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa uga digay Ruushka inay fara gelin milateri ku sameeyaan dalka Ukraine, kadib markii ciidamo milateri aad u hubeysan ay gudaha u galeen Gobolka Crimea.

Ciidamada Ruushka oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa qabsaday garoonka diyaaradaha Ismaamulka Gobolka Crimea, iyadoo la arkay gawaarida xamuulka iyo taankiyo ay leeyihiin Ruushka oo ku qul qulaya gobolkaad.

Obama ayaa uga digay Ruushka in xadgudub uu ku sameeyo madax banaanida dhuleed ee Ukraine oo mudooyinkii u dambeeyay qalalaaso siyaasadeed uu ka taagnaa, taasoo keentay in la rido Madaxweynihii talada dalkaas hayay oo u baxsaday dhinaca Ruushka.

Ilaa afar diyaaradood oo xamuul ay leeyihiin Ciidamada Milateriga Ruushka ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Simferopol ee caasimada Crimea, iyadoo diyaaradahaas ay siday ciidamo gaaraya ilaa 700 askari.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ruushka ay isku dayayaan inay bad baadiyaan dadka asalkooda yahay ruushka ee laga tirada badan yahay, kuwaasoo degan gobolkaas ka tirsan Ukraine.

Xiisada ka taagan Jamhuuriyada Crimea ee dalka Ukraine ayaa sii xoogeysaneysa, iyadoo Mareykanka iyo Ruushkana ay faraha isku taag-taagayaan oo mid walba uu ka digayo saameynta ka dhalan karta fara gelinta Milateri.

Ruushka ayaa sanadkii 2008-dii weeraray Abkhazia iyo South Ossetia oo ka tirsan dalka Georgia, halkaasoo ay degenaayeen qowmiyadaha ugu ballaaran ee Ruushka ka soo jeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada