Daawo Sawirada:- Kooxda Aston Villa oo guul ka gaartay 9 ciyaaryahan oo Chelsea ah

Daawo Sawirada:- Kooxda Aston Villa oo guul ka gaartay 9 ciyaaryahan oo Chelsea ah

daajis.com:-Kooxda  Aston Villa ayaa caawa guul ka gaartay 9 ciyaaryahan oo Chelsea ah, markii ay ku soo dhaweysay garoonkeeda Villa Park, ciyaar ku dhammaatay 1-0.

Ciyaartan oo qeybtii hore ahayd weerar iyo weerar celis ayaa daqiiqaddii 40-aad ee gabagabadii qeybtii hore waxaa gool uu dhaliyey Nemanja Matic laga diiday kooxda Chelsea markii uu garsoorku tilmaamay inuu gacan ku degsaday isagoo ku jira diillinta ganaaxa kaddib kubbad koorno ka timid.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka Villa Park ee kooxda Aston Villa ayaa qeybtii hore lagu kala nastay goolal la’aan 0-0 oo ay labada kooxood isku mari waayeen.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii dambe ayaa daqiiqadii 69-aad waxaa ciyaarta laga saaray Willian oo ka tirsan Chelsea markii gacanta loo galiyey kaarkiisii labaad digniinta looguna daray kaarka guduudan, kaddib qalad uu ku galay mid ka mid ah xiddigaha Aston Villa.

Ciyaarta oo gabgabo ku dhow daqiiqadii 82-aad waxaa goolka joogga ka riday Chelsea ka dhaliyey Fabian Delph, kaddib caawin uu ka helay Albrighton oo bedel ku soo galay ciyaarta.

Daqiiqadihii dheeriga ahaa ee lagu diray ciyaartan ayaa waxaa kaarka guduudan loo taagay Ramires markii uu ku istaagay ciyaaryahan ka tirsan Aston Villa, sidoo kale waxaa isna kaarka guduudan la siiyey macallinka kooxda Chelsea Jose Mourinho markii uu ka murmay labada kaar ee digniinta oo la siiyey wiilashiisa.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waxa ay waqtigii loogu tala galay ku soo dhammaatay 1-0, lagu dardaray 9-ciyaaryahan oo ka tirsan Chelsea.

Daawo Sawirrada:-


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada