Daawo Sawirada:- Madaxweynaha dalka Kenya oo kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Daawo Sawirada:- Madaxweynaha dalka Kenya oo kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed

daajis.com:-Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la kulmey bulshada Soomaalida ee Kenyanka ah, wuxuuna u sheegey in dalxiiskii Kenya uu jilbaha dhulka dhigtey, isbarmarkaasina burbur qarka u saaranyahay, sababtuna tahay weerarada ka dhacaya dhulka xeebta ah ee loo dalxiis tago ee ay ka dambeeyaan Alshabaab iyo kuwa ologga la ah.

Waxa uu la kulmey guddiga ganacsatada Soomaalida ee Islii oo uu hogaaminayay mudane Xassan Guuleed iyo waliba hogaamiyeyaal kale oo matalayay Soomaalida Kenya, kulankana waxa uu ka dhacay aqalka madaxtooyadda Kenya.

Waxa uu Soomaalida ka codsaday in ay dowladda Kenya ka caawiyaan in ay sheegaan dadka ay kaga shakisanyihiin in ay Alshabaab la shaqeeyaan ama amni darro ka shaqaynayaan.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo hogaaminayay hogaamiyeyaasha lasoo doortey ee Soomaalida Kenya, Xildhibaan Yuusuf Xassan Indhagamuud oo laga soo doorto deegaanka Kamakunji oo ay Islii ka mid tahay, Yuusuf Xaaji oo ah xildhibaan aqalka sare oo laga soo doortey Gaarisa, Xaaji Yaasiin oo guddiga ganacsatada ka mid ah, iyo Sheekh Shakuul ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay kulanka.

Illaa 15% boqolkiiba ayuu hoos u dhacay dalxiiskii dalka Kenya, iyadoo dadkii iman lahaa Mombasa iyo magaalooyinka kale ee xeebta ah ay iska nagaadeen weerarada dhacaya dartood.

Dalxiiska dalka kenya ayaa waxa kasoo xarooda daqli faro baddan oo Kenya ku tiirsantahay, iyadoo ay shaqooyin joogto ah ka helaan illaa 150 kun oo qof oo Kenya u dhashay kuwaasi oo aan meelo kale shaqo ka heleynin.

Qoyska Uhuru Kenyatta laftiisa oo leh Iskaashato hoteelo ah iyo meelo loo dalxiis tago ayay arrintani saameyn xoog leh ku yeelatay sida lasoo sheegayo.
Xildhibaan Yuusuf Xassan oo kulanka ka hadlay ayaa yiri “Ma ahan in aan isweeydiino waxa ay dowladda ka qabanayso dhibka dhacaya, ee waa inaan isweeydiinaa waxa aan anaga ka qabanayno in aan dowladda ku caawino in arrinkani ay wax ka qabato“.

Waxaa lagu heshiiyey in la saaro guddi ay ganacsatada samaynayo oo loo samaynayo xaafadda Islii kaasi oo ka shaqaynaya nabadgalyadda iyo sidii looga hortagi lahaa dadka dhibka wada.

William Ruto , madaxweynaha ku xigeenka Kenya ayaa sheegey in xitaa haddii ay danta ku qasabto in masaajido la xiro si nabadda loo sugo, ay taasi waxbo ku jabneyn.

Dadkii meesha ka hadlay waxa ay aad u weerareen ciidanka Police-ka oo ay sheegeen in ay Islii u tagaan oo kaliya in ay laaluush uruursadaan, balse aysan sharci waxbo ka qabanin, marka eedaasi la jeedinayana waxaa goobta fadhiya xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda gudaha Mutea Iringo oo isagu mas’uul ka ah Police-ka.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa yiri “Waa in aan ogaana kan uu yahay masaajidka dadka laga kiciyo, ganacsiga fan gareeya argagixisada iyo kuwa magangaliya dadka sheeydaamiinta ah
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya ayaa gudiga ganacsatada ka codsaday in ay durbadiisa isaga kusoo wargaliyaan marka la dhiso guddiga ammaanka si kolkaasba hey’adaha ugu sareeya ee amniga ay ola shaqeeyaan gudigaasi. Wuxuu dhanka kale sheegey in qof kasta oo Kenyan ah uu leeyahay xuquuq buuxda , balse uusan ogolaan doonin in shaqsiyaad yar ay burburiyaan nabadda iyo xasiloonida Kenya iyo dadka oo dhan.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada