Mourinho:- Ferguson Waa Uu I Soo Wacay Laakiin Waxaan Rabay Inaan Ku Laabto Chelsea.

Mourinho:- Ferguson Waa Uu I Soo Wacay Laakiin Waxaan Rabay Inaan Ku Laabto Chelsea.

daajis.com:-Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in tababarahii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson uu ka warqabay xilli ciyaareedkii hore inuu qorsheeyay inuu xilli ciyaareedkan ku soo laabanayo Stamford Bridge.

Mourinho ayaa hadalkaan sheegay ka dib markii ay suxufiyiinta weydiiyeen sababtii uusan shaqada Old Trafford u qabanin ka dib markii Ferguson uu ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo.
Ninkii Ferguson bedelay David Moyes ayaa xilli ciyaareed xun ku bilowday, iyadoo haatan ay United ku jirto kaalinta 7aad ee horyaalka Premier League.
Wareysi uu siiyay wargeyska The Sun Mourinho ayaa yiri: “Waxaan la hadlay Sir Alex Ferguson markii kooxdeydii Real Madrid ay Champions League ka reebtay United xilli ciyaareedkii hore, waxaana u sheegay waxa aan rabay inaan sameeyo oo aheyn inaan doonayay Chelsea. Taas ayaa aheyd wadadii aan u socday.
“Qof walba waa ogaa in Benitez uusan joogeynin, qof walba waa ogaa xiriirkeyga aan la leeyahay kooxda, waxaana ay aheyd fursad aanan dhumin karin.
“Sidaasi darteed ma aqaano in Sir Alex uu ku fekeray inaan United qabto ama inkale, taasna ma aheyn xaalada. Xaalada waxa ay aheyd inuu si cad ah u ogaa inaan aadayo Chelsea.”Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in tababarahii hore ee Manchester United Sir Alex Ferguson uu ka warqabay xilli ciyaareedkii hore inuu qorsheeyay inuu xilli ciyaareedkan ku soo laabanayo Stamford Bridge.

Mourinho ayaa hadalkaan sheegay ka dib markii ay suxufiyiinta weydiiyeen sababtii uusan shaqada Old Trafford u qabanin ka dib markii Ferguson uu ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo.
Ninkii Ferguson bedelay David Moyes ayaa xilli ciyaareed xun ku bilowday, iyadoo haatan ay United ku jirto kaalinta 7aad ee horyaalka Premier League.
Wareysi uu siiyay wargeyska The Sun Mourinho ayaa yiri: “Waxaan la hadlay Sir Alex Ferguson markii kooxdeydii Real Madrid ay Champions League ka reebtay United xilli ciyaareedkii hore, waxaana u sheegay waxa aan rabay inaan sameeyo oo aheyn inaan doonayay Chelsea. Taas ayaa aheyd wadadii aan u socday.
“Qof walba waa ogaa in Benitez uusan joogeynin, qof walba waa ogaa xiriirkeyga aan la leeyahay kooxda, waxaana ay aheyd fursad aanan dhumin karin.
“Sidaasi darteed ma aqaano in Sir Alex uu ku fekeray inaan United qabto ama inkale, taasna ma aheyn xaalada. Xaalada waxa ay aheyd inuu si cad ah u ogaa inaan aadayo Chelsea.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada