DEG DEG :Wakiilkii Qaramada midoobay oo lagu dilay magaalada Kismaayo kadib markii ay kooxo ku hubeysnaayeen Gaari Dagaal Xabad la dhacay masuulka.

DEG DEG :Wakiilkii Qaramada midoobay oo lagu dilay magaalada Kismaayo kadib markii ay kooxo ku hubeysnaayeen Gaari Dagaal Xabad la dhacay masuulka.

daajis.com:-Sida ay inoo sheegeen dad deegaanka ah waxaa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose sarkaal katirsanaa Qaramada Midoobey hay’ad ka mid ah.

Marxuumka la dilay waxa lagu magacaabi jiray Jaamac Bishaar oo Jaamac Dheere loo yaqaanay waxaana lasoo sheegayaa in dilkiisa ay geysteen kooxo watay gaari nuuca dagaalka ah.

Inkastoo cabsida ay tahay mid sababtay inay dadku noqdaan kuwo wixii ay arkaan xitaa aysan ka hadli karin,dad badan ayaa waxa la sheegay inay ciidamada maamulka JUBBA u arkaan kuwo ku lug leh dilalka ka dhacaya magaalada Kismaayo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dilal ay ka dhacaan magaalada Kismaayo waxaana labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ka dhacay dilal ka badan 20 qof oo la dilay,inkastoo maamulka KMG JUBBA ay yiraahdeen warkaasi waa waxba kama jiraan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada