U Gaar Dumarka :- Arimahaan Haddii Aad Odayga Ku Aragto Il Gaar Ah Isaga Yeelo

U Gaar Dumarka :- Arimahaan Haddii Aad Odayga Ku Aragto Il Gaar Ah Isaga Yeelo

daajis.com:-Mararka qaar gacaliyahaaga ama saaxiibkaa wuxuu u dhaqmaa sida qof wax ka gambanaayo oo kale ama wuxuu kuu sheegaa arimo aan macno ku fadhin oo kugu dhaliya shaki. Waxa ugu horeeya ee niyadaada ku soo dhacana waa Ma been ayuu kuu sheegayaa? Laakin eedeynta ah inuu been kuu sheego waxey idinka dhex abuuri kartaa dagaal weyn,dhanaca kalena kuuma wanaagsano inaad wax aadan hubin ku eedeyso lamaanahaaga.Hadaba sidee ku hubin kartaa in saaxiibkaa uu been kuu sheegaayo in kale. Waxaan kuu heynaa calaamadu aad ku ogaan karto hadi i aad ku aragto inuu dhaqamadaas leeyahay waxaad ku heysaa cadeyn buuxdo ee talaabo ku haboon waa inaad ka qaadaa.

Qodobadaan ku qabo maskaxdaada,marwalbana xusuusnaaw in is aaminida ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee xiriirkasta.hadii aad dareento inaadan aamini karin qofkaan marka waxaa jiri karta sabab macquul ay tahay inuu sii dhamaanayo xiriirkaasi

Wuxuu u dhaqmaa sida inuusan asaga ahey.
Caadiyan marka qof been sheegaayo waxey dareemaan xoogaa ineysan raaxo dareemeynin iyo welwel la xiriira in lagu qabto. Hadii saaxiibkaa uu been kaaga sheegaayo arin weyn. Waxaa maskaxdiisa ku jira isbedel xoogaa ah.hadii caadiyan uu kuu ahaa qofkuu furfuran iyo farxad,islamarkaana wuxuu sid degdeg ah uu si qarsoodi ah iyo inuu xanaaqsan yahay, waxaa jiri kara calaamado waxa jira
Weydii asaga waxa socda,hadii uu inkira iney wax ka qaldan yihii ama uu ka xanaaqo sida dhaqso leh,waxaa xaqiiqo ah inuu wax kaa qarinaayo.


Kuuma jeedo.

Taxadir ka samee ficilada ay bixinaayo jirka saaxiibkaa marwalbo oo uu wax kuu sheegayo ee aad u maleyso inuu been kuu sheegayo. Ama marwalbo oo aad u maleyso inuu been kuu sheegayo. Ma fiiriyaa indhahaaga? Hadii uu meelaha kale fiirinaayo marka laga reebo indhahaaga waxaa kuu muuqda calaamado inuusan daacad aheyn,wey adag tahay inaad fiiriso indhaha qof aad daneyneyso adigoo been sheegaaya.

Wuu kala hadlaa.

Sheegida beentu waa arin aad u adag,gaar ahaan marka aad ka been sheegeyso arin aad kugu adkaata,ka taxadir faahfaahinta saaxiibkaa uu kaa siinaayo marka uu wax kuu sheegaayo,sug xoogaa maalmo ah,kadibna weydii isla sheekadii markale,hadii aaney waxba ku darsoomin waxey noqon kartaa inaaneyba dhicin ama waxaa macquul ah xusuus la’aan, waxaad u taqaanaa si wanaagsan koley saaxiibkaa,hadii ay soo noqnoqoto arintaas marar badan markaas wuxuu micnaheedu noqon karaa inuu gadaashaada ka sameynaayo wax aan wanaagsaneyn ama munaasiba ahey.


Waxaa badan is difaacidiisa.
Siduu uga fal celiyaa saaxiibkaa markaad ku eedeyso inuu been kuu sheegayp? Hadii uu si xad dhaaf ah bilaabo inuu isku difaaco,waxey u dhigantaa inuusan xaq ku taagneyn,islamarkaana wuxuu ka naxsan yahay in lagu qabto.waana arin naxdin leh xaqiiqdii,waayo waa dabiici in qofku bilaabo is difaacid marka lagu eedeeyo been hadii uu sameeyey iyo hadii uusan sameynba,hadii uu gacaliyahaaga difaaciisa heer ka badbadis uu gaaro isla ilaali timirbo laf ayaa ku jirtee.

Waxuu kaa wareejiyaa hadaladii
Marka loo eego heer caalami ahaan,hakadgelinta dheer ka hor jawaab bixinta arin ama sheeko waa calaamad aan muujineyn xaqiiqda.
Fiiri waxa dhacaaya marka aad tiraahdo arin sida Xagee jirtay xalay ? Hadii uu hakadgeliyo daqiiqad inta uusan ka jawaabin ama uu kugu soo celiyo su’aashii ka hor jawaabtii laga sugaayey waxaa laga yaabaa inuu isi siinaayo waqti uu jawaabta ugu fekero.

wuxuu kugu eedeyaa inaad been sheegeyso

Mararka qaar marka dadku dareemaan dembi ku saabsan beentooda,waxey isku dayaan iney kugu soo weeciyaan eedeymo. Hadii lamaankaaga uu joogto kugu eedeeyo inaad jebineyso kalsoonida. Waxaa dhici karta sababo uu dareeno xun oo is aaminid la’aan iney gubeyso.wuxuuna isku dayaa in cilladihiisa uu dadka kale usaariyo.

W/D Fardowsa Maxamed Cabdulle

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada