Degmada Buurdhuubo oo maamul loo sameeyay

Degmada Buurdhuubo oo maamul loo sameeyay

daajis.com:-Degmada Buurdhuubo oo ay dhawaan qabsadeen Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM, ayaa maanta waxaa loo sameeyay maamul.

Buurdhuubo oo katirsan Gobolka Gedo, waxay kamid tahay deegaanada ay sheeganayaan maamulada Jubba iyo kan Koofur Galbeed Soomaaliya, hase yeeshee maamulkaan maanta loo sameeyay ayaa sheegay ineey si toos ah u hoos tagayaan Doowlada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Cusub ee Degmadaas (Xasan Maxamuud Cali), Xasan Yare, oo wareysi siinayay Idaacada VOA, ayaa sheegay in Xaalada Degmada ay hada tahay mid aad u dagan.

Gudoomiye Xasan, ayaa sheegay in maamulkiisa uu doortay Maamulka Gobolka Gedo iyo Culumaa’udiinka Ahlusuna waljamaaca.

“Maamulka yaga wuxuu hoos tagaa maamulka Gobolka, kan Gobolkana wuxuu hoos tagaa DF” ayuu yiri Gudoomiyaha Cusub ee Buurdhuubo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada