Xaabsade oo ka hadlay doorashada M/weynaha maamulka 3da Gobol

Xaabsade oo ka hadlay doorashada M/weynaha maamulka 3da Gobol

daajis.com:-Maxamed Ibraahin Xaabsade oo katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhacday Baydhabo ee lagu doortay M/weynaha maamulka sadexda Gobol aysan waxbo kajirin.

Xilibaan Xaabsade, waxa uu kamid yahay Xilibaanada taageersan maamulka 6da Gobol.
“Maamul lagu dhawaaqay anigu ma ogi, Idaacad baa laga hadlay, maalmahaana waxaa magaalada kasocday Banaanbaxyo Shariif Xasan looga soo horjeedo, marka nin ay asiga isku hooyo yihiin ayaa Idaacad ka hadlay oo sheegtay inuu yahay M/weynaha maamulka 3 Gobol” sidaasi waxaa yiri Xilibaan Xaabsade.
“Waa nin dhalasho Mareykan haysto oo Shariif Xasan isku hooyo yihiin” ayuu sii daba dhigay hadalkiisa Xilibaan Xaabsade oo Idaacada VOA u waramayay.
Mar la weydiiyay Xilibaan Xaabsade cida dooratay M/weynaha maamulka Sadexda Gobol ee maanta lagu dhawaaqay, ayaa waxa uu ku jawaabay ineeysanba jirin shir ka dhacay Hotel Bakiin oo wax lagu doortay.
Madaxweynaha cusub ee Maamulka saddexda gobol ayaa loo doortay Maxamed Xaaji Cabdinuur, kadib doorasho ka dhacday Hotelka Bakiin oo ay ergadan xarun u aheyd.

723 Ergo oo ka kala yimid saddexda Gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose ayaa waxaa doortay Madaxweynaha cusub 713, halka 10 ay diiday, waxaana sidaas uu ku dhawaaqay Gudoonka doorashada Maamulka in Maxamed Xaaji Cabdinuur uu yahay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada