Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Ahlusuna oo isku mari waayay qorshaha howl galada Galgaduud

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Ahlusuna oo isku mari waayay qorshaha howl galada Galgaduud

daajis.com:-Iyadoo shalay wafdi Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay gaareen magaalada Dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa arrimaha wafdigan u tageen gobolka uu qeyb ka yahay howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibada, Xildhibaano iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Axmed Cabdisalaan Aadam.

Kulan albaabada uu u xiraa oo xalay dhex maray wafdigan iyo maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ayaa la isku mari waayay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen qaabka loo wajahayo howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in Ciidamada Ahlusuna la qarameeyo. 

Qodobada kale ee la isku maandhaafsanaa ayaa waxaa ka mid ahaa maamul u sameynta deegaanada Shabaab laga saaro Gobolada dhexe iyo cida mas'uuliyadooda qaadeysa, iyadoo wafdigii wasiirada ay sheegeen in deegaan kasta oo la qabto maamul KMG ay dowladda u soo magacaabi doonto.

Mas'uuliyiinta Ahlusuna ayaa ku gacan seyray qodobada qaar ay Wasiirada soo bandhigeen, iyagoo cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay dhaqan gelin weysay dhamaan heshiisyadii ay la saxiixdeen, sida Heshiiskii Addis Ababa iyo midkii sanadkii hore ay Caabudwaaq ku gaareen Ra'iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Wada hadaladan ayaa ahaa kuwo dhowr jeer la isku mari waayay, isla markaana mas'uuliyiintii Ahlusuna ay shirka isaga baxeen, kadib markii ay ku qanci waayeen qodobada ay soo bandhigeen wafdiga dowladda ka socday.

Maamulka Ahlusuna ayaa ku doodaya in dowladda Soomaaliya ay albaabka ka soo xiratay dhowr jeer, isla markaana aanay dheg jalaq u siin, tiro dhowr jeerna mas'uuliyiin ka tirsan Ahlusuna oo tagay Muqdisho ay arki waayeen madaxda dowladda.

Dhinaca kale waxaa maanta lagu wadaa kulamo kale inay ka dhacaan magaalada Dhuusa Mareeb, waxaana wafdiga dowladda ka socda ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo rajo laga qabo in mar kale kulan isugu yimaadaan labada dhinac ee xalay shirka ku kala tagay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada