“Drogba Waa Uu Ku Soo Laaban Doonaa Chelsea Waa Makaankiisa” – Mourinho Oo Ku Taageeray Halyeeyga Blues Inuu Waqti Labaad Ku Qaato Chelsea.

“Drogba Waa Uu Ku Soo Laaban Doonaa Chelsea Waa Makaankiisa” – Mourinho Oo Ku Taageeray Halyeeyga Blues Inuu Waqti Labaad Ku Qaato Chelsea.

daajis.com:-Tababare Jose Mourinho ayaa ku taageeray halyeeyga Chelsea Didier Dorgba inuu waqti labaad ku qaato Chelsea isagoo ciyaaryahan ah ama isagoo ka mid ah shaqaalaha tababarka kooxda.

Drogba oo Champions League la qaaday Chelsea 2012kii ayaa sidoo kale kula guuleystay Blues seddex Premier League, afar FA Cup iyo labo League Cup isagoo dhaliyay 157 gool 341 kulan uu saftay sideedii sanno ee uu kooxda joogay.
Qandaraaskiisa kooxda Galatasaray ayaa dhacaya xagaaga, iyadoo door ah inuu ciyaaryahan iyo tababare ka noqdo Chelsea lagu waramayo inay miiska u saaran tahay.
Tababaraha Blues Jose Mourinho ayaana ka hor kulanka caawa ay Galatasaray soo booqaneyso Stamford Bridge sheegay in Dorgba uu kooxda ku soo laaban doono dhawaa iyo dheeraaba.
“Waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu muhiimsaneyd taariikhda kooxdaan. Dhamaanteen haddii aan nahay taageere Chelsea waan aqbalsanahay taas.” ayuu yiri Mourinho.
“Ma dhihi karno isagaa ugu muhimsanaa sababtoo ah cadaalad uma noqoneysa dadkii kale ee heerkiisa oo kale soo gaaray ama ay isku waayo ahaayeen.
“Soo laabashadiisa waa inay dhacdo maalin uun, goorta ay tahayse ma aqaano. Ciyaaryahan ahaan ama tababare ahaan ama ambassador ahaan, sannadka soo socda, afar ama shan sanno ka dib ama 10 sanno ka dib, ma aqaano.


“Laakiin marka uu shaqsi koox siiyo wax aad u badan islamarkaana ay koox matasho in badan shaqsi sida haatan jirtaba, waxaana qabaa inay qasab tahay inuu soo laabto maalin uun.”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada