Sheekadii Iska Key Illoow Iyo Qeybtii 1-aad.

Sheekadii Iska Key Illoow Iyo Qeybtii 1-aad.

daajis.com:-Qeybtii 1-aad in cabbaar ah hadii aan dhacadiid uu jiifay, oo aan hurdo ku sari waayay, ayaan mar qura soo hinqaday oo aan soo fariistay, aniga oo inta labada gacmood kor u taagay, tobanka faroodna is dhaafiyay oranaya “aaa..aaa”, kadibna qoorta jucsanaya. Waxaa I haya caajis baas oo aan garaneyn halka uu igaga yimid, waxaanse u qaatay in dhafarkii habeenkaas aan ka qaaday cayaar ka mid ahayd horyaalka England oo aan daawaday, ay hurdo la’aanta iyo caajiskaba iigu wacneyd.


Goor sheegtada ayaan eegay mise..waaba 3:15 daqiiqo. “waqtigu socod gaabanaaa” baan inta anoo ciishoonaya iri dib sariirtii isugu tuuray. Intaa kadib waxaa ii xigay cod I dhahaya “Xamza…ka kac Maama, saaka hordada waad ku daahdayee”, markaas baa anoo sacabka isaga celinaya falaaraha arooryaad, soo kacay mise waa Hooyadey Maryan.

Hooyo baa igu tiri “beri waxaa baxaya Asad ee aroor hore iga kici soomaadan I oran hooyo..oradhee kac”, “waayahay Maama” baan inta iri haf kasoo dhahay sariirtii, hadaan saacadda eegay waaba 6:15 daqiiqo, 15 daqiiqo unbaaba ka hartay xiligii 6:30 oo an ku balan sanaa inaan Asad u raaco garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Muqdisho, oo uu maalinkaasi ka dhoofayay.

Aniga oo aad u deg degaya baan gaarigeygii Mercedes-ka ahaa dalaq kusoo dhahay, oo aan guriga kasoo baxay, waxaana aniga oo Xawaare ku socda isku soo dhigay wadada dheer ee Wadnaha, kadibna dhinac bidix ula leexday Isgoyska Howl Wadaag, waxaan fooda sii saaray dhinac Sayidka, dabadeedna midig isula dhigay wada Maka Al-Muakarama, aniga oo kusii wajahan xaafadda Taree Biyaano oo Asad uu ku noolaa.

Markii aan la leexday jid cadaha laga galo xaafadii baa mar qure indhaheyuga qabteen qof wadada bartankeeda taagan, mise waaba gabar, waxa ay ahayd qof aan dareemayo inay duruuf daashatay, balse qurux dabiici ah ilaaah ku maneestay, hadii ay hesho qof dayac tir ku sameeya, micnaha (dhaqaaleeya), waxa ay lahayd midab biyaha dahabka sidooda ah, joog bay lahayd, jirkeedu dhexda buu u yaraa dhinacyada kore iyo hoosena u yara weynaa si qiyaasan, waxaan ka samri waayay bushimo aad u qurxoon oo aan dareemay….waxaa aad cajiib u ahaa indhaheeda buur buuran iyo suniyaasheeda bil dhalatay oo kale u qurnaaa…

Markii aan in cabaar ah saa u daawanayay baan bilaabay inaan hoonka ku yeeriyo, mise maba dhaqaaqdo, hadana dhowr mar yeeray “ha sheegin nuuxsi ma laha’..markaas baan inta gaarigii ka degay qeylo dhegaha kaga shubay, anoo ornayaa… “adiga ma wadada baad iibsatay maxaad la dhex taagan tahay”, jawaab baan filayee aamusnaan bay iigu kaalmeysay…mar labaad baan qeyliyay, anoo wejiga gacanta faraheeda uga riixaya, misna dhahaya.. ‘oo maxaad noo quursaneysaaa…maad nala hadashid oo wadad ka leexatid”..balse jawaabteii aan ka helay waxay noqotay ilmo indhaheeda mar qura kasoo dareeray..naxdin anigii….

Lasoco Qeybta 2 aad

WQ/Mohammed

Mohaan@hotmail.nl


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada