Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Buulo-Burde

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay degmada Buulo-Burde

daajis.com:-qaraxan ismiidaaminta ayaa sababay dhimashada tiro aan la ogeyn oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Hotel Camaloow gudaha degmada Buulo Burde

 Wararka naga soo gaarayo  degmada Buulo burde ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay weerar ismiidaamin ahaa lagu qaaday saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa hoteel lagu magacaabo Camaloow gudaha degmada Buulo Burde.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa meel ku dhow goobta qaraxa uu ka dhacay  ayaa  warbaahinta u sheegay in qaraxa ismiidaaminta ahaa uu ka dhacay xalay saqdii dhexe halkaa iyo is  rasaaseyn mudo socotay oo ay maqlayeen.

Saraakiil sar sare oo  ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay weerarka ku dhinteen, inkastoo tiro ahaan aan la xaqiijin karin.

Ilaa xiligan la joogo waxaan si dhab ah loo hayn tirada rasmiga ee ku dhimatay weerarkaasi iyo inta ku dhaawacantay, iyadoo isbitaalka degmada Buulo-burde la dhigay ku dhawaad lix  ruux oo isugu jira rayid iyo ciidan.

Saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Hiiran ilaa hada wax war ah kama soo saarin qaraxii ciidamada  lagula eegtay gudaha degmada buulo Burde.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada