Fariiin Jaceyl :- Si Kastoon U Kala Fogaano Waxaad Tahay Lamaanahii Nolosha

Fariiin Jaceyl :- Si Kastoon U Kala Fogaano Waxaad Tahay Lamaanahii Nolosha

daajis.com:-Dhageyso ereyadeyda oo aamin adigaa iska leh naftaan oo ay kaa dhex dooratay kumanaanka kale,jaceylkeygiyoow waxaad ku dhex nooshahay qeybta ugu muhiimsan nafteyda ee laga maamulo dareenka aadanaha nagu wada qaad qalbigaaga si aan farxad ugu noolaano weligeen.

Waxa aan xagaaga ka dareemaayo waa jaceyl cajiib ah,kaasoo daqiiqad walbo oo nolosheyda ka mid ah xamaasadi ay ku sii kordheyso, waa jaceyl lagu qiyaasay inuu yahay shuruud la’aan aan dhamaad laheyn, Nasiib wanaag mar hadii wadnaheyga uu kuu garaacmaayo farxad darteed.

Ma qiyaasi kari cidlada iyo murugada ay naftu dareemeyso mar hadii aanan wejigaaga farxada leh arkeyn maalintii oo aanan wada soconeyn,hurdaduna waxey noqoneysaa mid cariiri ah oo aan riyo macaan laheyn habeenkii.

Qalbigeyga waxaa lagu qoray magacaaga,i aamin ma aqaano sababtana,laakin waxaad tahay adiga hawada aan ku neefsanaayo, waa fursad ugu wanaagsan ee aan isku hanan karto,kuna hanaqaadi karo jaceylkan ugubka ah ee kalsoonida ku dhismay.

Si kastoon u kala fogaano waxaad tahay lamaanahii nolosha ee laabta iyo uurka harsaday,waxaan la waashay jaceylkaaga nafteydoow markii aan ku bartay,indhuhuna meysan dhaqan shaqsiyadaada lagama dhergaanka ah iyo dhoolacadeyntaada qalbiga dhaawacda, waan ku jeclaaday waana kuu maseyraa..

Hadii jaceylkeenu ahaan lahaa mid qalad ah xilligaan ma soo gaareen, waxba igama gelin aduunku wuxuu ka qabo iyo siduu u arko,keliya nafta waxaa daweeya waa dhoolacadeyntaada iyo la joogaaga,aan ahaato kuwa isku waara oo farxad iyo murugada wada qeybsada.



Waxaan rabaa inaan kuu jeclaado in ka badan mowjaha badaha,waxaan rabaa indhaheyga ineysan u nuurin qof aad adiga aheyn.
Bal u fiirso macaane cayaar maahan qalbiyo dareen jaceyl isdhaafsaday oo ku balamay iney dunidaan iska weheshadaan sideena,xanuunkasta iyo culeyskasta ee soo mara dadka kale waa ay isaga nugul yihiin,Nafteydaan ku siiyeyna nuurkeedu waa adi ebed.



Sikastoo aan laba shaqsi u kala nahay hadana waxaa na mideeya hal riyo iyo hal qalbi oo isku ooman,aragtidu hamuun gaar ah leedahay,kala fogaanshahuna sii hurinaayo holaca caashaq ee qalbiyadeena ku wada shidan.

Waxaad ka dhigtay nolosha mid macno leh daqiiqadkasta oo aan neefsanayo. Waan ogahay in nolosha ay weli noo cusub tahay,islamarkaana maalmaha farxad leh ay noo dhiman yihiin,laakin waxaan dareemaayaa awood iga tan badan oo indho la’aan ah, waxaad igu sii deysay dabeyl xoogan oo rabitaan ah,taasoo ii cadeysay in noloshu ay jirto wax la yiraahdo mucjiso,maadaama aad iigu deeqday jaceyl kal iyo laab ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada