Ma Rabtaa Inaad Ogaatid Heerka Ay Geesinimadaadu Marayso, Halkan Riix

Ma Rabtaa Inaad Ogaatid Heerka Ay Geesinimadaadu Marayso, Halkan Riix

daajis.com:-Ma doonaysa inaad ogaatid cida aad tahay? ma geesi mise fulay? ma qof calool jilicsan mise qof calool adag?”Iga qabo imtixaankan ka cabsiiyay dad aad u farabadan”, waa muuqaalka biriish ka ugu layaabka badan ee aad aragtid abid.
Biriishkan magaciisa la yidhaahdo “Sky Walk” waxa weeye biriish soo laalaada, oo khafiif ah waxna aad ka dhex arki kartid, waxa uu ku yaallaa gobolka Zhangjiajie ee wadanka China.


waxa laga yaabaa inaad is waydiisid muxuu sidee buu biriishkani u yahay mid geesinimada qofka lagu tijaabiyo, waxa suaashaadaa kaaga jawaabaysa Tusaalooyinkan:
Ballaca biriishkani waxa uu yahay 1 Meter oo kaliya, dhinac waxa ka xiga jar ka samaysan dhagax xaga dhinaca kalena uu ka xigo gidaar ka samaysan quraarad oo aan dhererkiisu ka badnayn 1.5 Meter, waxa uu ku yaallaa meel dhulka ka saraysa 1220 meter, waxaas oo dhani waa iska caadi!! bal se halka cabsida ugu wayn nafta ku beeraysaa waxa weeye markaad ka tallaabayso biriishkan ayaa halka aad lugaha ku haysaana ay quraarad tahay, taasi oo aad arki kartid waxa kaa hooseeya oo dhan, isla markaana waxa kugu abuurmaysa cabsi aad u daran gaar ahan marka aad u fiirsatid intaad dhulka u jirtid.
biriishkan dhararkiisu waxa uu gaadhayaa 60 meter, isaga oo ka dul dhisan buurta layidhaa Tianmen Mountain oo magacaas macnihiisu yahay buurtii albaabka jannada, biriishkan dadka fuulaya ee dalxiiska u imaada waxa loo qaybiyaa kabo loogu talagalay si loo ilaaliyo nadaafada biriishkan ka samaysan quraarada, si aanay shaqaalaha nadaafadu ugu noqnoqon shaqadiisa maalin kaste.
Waxa kale oo isna biriishkan u dhaw biriish kale oo dhulka ka sareeya kumanaan meter, isaga oo ka samaysan loox, balladhkiisuna aanuu ka waynayn miiska lagu cunteeyo, halka ugu dambaysa ee biriishka markaad maraysid waa uu isku soo ururayaa ilaa uu leekaadu ballaciisu meter badhkii, waana biriishka ugu dheer China oo dhan.


source:-heegonews
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada