G/baarlamaanka oo ka tacsiyeeyay geeridii Shariif Saalax

G/baarlamaanka oo ka tacsiyeeyay geeridii Shariif Saalax

daajis.com:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari oo tacsi u diray eheeladi iyo qaraabadi uu ka baxay allaha u naxariiste marxuun sharif saalax Maxamed oo shalau ku geeriyooday Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Shariif Saalax Maxamed oo ahaa gudoomiyihii gudiga qorista farta Soomaaliga oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa isoo gaartay in Danjire Shariif Saalax uu shalay  ku geeriyooday magaalada Muqdisho islamarkaana lagu aasay,raxmadii Jano Alle ha siiyo, dambigiisana Alle ha dhaafo,qabrigiisa Alle ha u nuuriyo,anagana gadaashiis Alle nama fidneeyo”

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhanka kale ka waramay taariikhda iyo saameynta Marxuum Shariif Saalax uu ku dhex lahaa umadda Soomaaliyeed islamarkaana halgan dheer usoo maray tacliinta umadda Soomaaliyeed oo waxa uu ahaa qof wax badan ka qoray Afka Soomaaliga,jiritaankiisana kaalin mug leh ku lahaa waxaana uu si gaar ah u xusay inuu door muhiim ah ku lahaa is waafajinta afka Soomaaliga iyo afafka kale ee caalamka gaar ahaanna carabiga.


Ugu dambeyntii Gudoomiyiha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee Marxuum Shariif Saalax Maxamed uu umadda Soomaaliyeed uga tagay dhaxal badan oo lagu xasuusan doono waligiis islamarkaana uu ahaa nin Qaran oo ka geeriyooday qaranka Soomaaliyeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada