daajis.com:-dadka ku nool degmada ayaa ku waabariistay isbedal dhanka gacan ku haynta degmada kadib markii xarakada Al-shabaab ay is kaaga baxday degmadas.
Xarakadda Al-Shabaab ayaa faarujisay degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay soo gaaren duleeka magaalada.
Dad degmadaasi ayaa la sheegay in ay ka barakaceen magaalada sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan dagaal degmadaasi ku dhex mara labada dhinac.
Goobaha ganacsiga ayaa saaka xiran, waxaana dadka deegaanku ay sheegayaan in tiro hoobiyaal ah ay ku dhaceen gudaha degmadaasi.
Wax khasaara ah oo ay geysteen hoobiyaalka lama soo sheegin.

“dadka ku nool degmada qoryoleey ayaa ku waabariistay isbedal dhanka gacan ku haynta degmada oo ay hore u joogeen xarakada Al-shabaab, dadka ayaa cabsi ka qaba in ay dhibaato kasoo gaarto isbedelka ka imaan kara degmada” ayuu yiri goobjoogahan qariyay magaciisa sababo amaan awgeed.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:29 and have
, Published at