HATTRICK:- Uu Dhaliyay Yaya Toure Oo U Sahashay Man City Inay Xasuuqdo Fulham.

HATTRICK:- Uu Dhaliyay Yaya Toure Oo U Sahashay Man City Inay Xasuuqdo Fulham.

daajis.com:-Seddexleydii ugu horeysay ee Yaya Toure uu u dhaliyo Manchester City ayaa ka saaciday kooxda Sky Blues inay 5-0 kaga talaabsato kooxda Fulham oo marti ku aheyd Etihad Stadium iyadoo City ay kaalinta 3aad kala baxday Arsenal.

Tababare Pellegrini ayaa lagu qasbay inuu isbedel ku sameeyo kooxdiisa iyadoo Kompany, Aguero iyo Dzeko ay ka maqnaayeen.
Laakiin tababaraha reer Chile ma uusan tabin xidigahaas iyadoo Yaya Toure uu ahaa xiddiga qabsaday garoonka, waxaana uu hogaanka u dhiibay Man City daqiiqadii 26aad markii uu gool u sarifay rigoore lagu galay Alvaro Negredo.
Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 1-0 oo ay City hogaanka ku heysay iyadoo qeybtii labaad City loo dhigay rigoore kale iyadoo Amorebieta la siiyay casaan toos ah ka dib qalad uu ku galay Silva. Toure ayaa mar kale gool u sarifay rigooradaas.
Yaya Toure ayaana seddexleydiisii ugu horeysay ee Man City dhameystirtay daqiiqadii 66aad markii uu si habsami leh oo qurux badan shabaqa u dhex dhigay kubad laad xor aheyd oo ka timid Samir Nasri.
Daqiiqadii 84aad ayaa Fernandinho uu ciyaarta ka dhigay 4-0 isagoo kubad darbo ah dabamariyay goolhaye Stoklade. Daqiiqadii 88aad ayaa Martin Demichelis oo xilli ciyaareedkan eedeyn badan la kulmay uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Premier League taasoo ciyaarta ka dhigtay 5-0 oo ay City ku badisay.
Guushaan ay gaartay City ayaana ka dhigan inay soo gashay kaalinta 3aad iyagoo leh 63 dhibcood islamarkaana lix dhibcood ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Chelsea inkastoo seddex kulan ay u hartay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada