Mareykanka oo Malaayiin Dollar dul dhigay Sedax sarkaal oo Shabaab ka tirsan

Mareykanka oo Malaayiin Dollar dul dhigay Sedax sarkaal oo Shabaab ka tirsan

daajis.com:-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka shaacisay iney bixin siin doonto lacag gaaraysa 3 milyan oo doollar ciddii soo keenta macluumaad horseeddaya in gacanta lagu soo dhigo Sadax nin oo ka tirsan al Shabab.

Sedaxda Sarkaal ee la dul dhigay lacagtaasi ayaa waxay kala yihiin Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, oo loo yaqaan  Cikrama, qof lagu magacaabay  Jacfar , iyo Yaasiin Kilwe oo Amiirka Al-Shabaab u qaabilsan Puntland.

Cabdiqaadir oo loo yaqaano Cikrima ayaa sida wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku sheegtay waxaa uu dhashay sanadkii 1979kii, waxaana uu ku dhashay dalka Kenya, waxaana uu laayay saddex farood oo gacantiisa bidixda ah, Wasaaradda ayaa ku eedaynysa in uu soo qoro dhalinyarada Kenya ee ku biiraysa al Shabaab.

Ninka kale oo lagu magacaabo Jacfar oo sidoo kalena loo yaqaano Cammaar, ayaa ah ku xigeenka Cikrima, waxaana muuqaalkiisa lagu tilmaamay in uu la'yahay mid ka mid ah indhihiisa.

Yaasiin Kilwe ayey Wasaaraddu sheegtay inuu yahay amiirka ururka al Shbaab ee Puntland, waxaana xilkaasi u magacaabay hogaamiyaha sare ee al Shabaab Axmed Cabdi Godane, wuxuuna abaabulaa howlgalada ka dhaca Puntland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada