Qarax Gaari maanta ka dhacay qeybta danbe ee Hotel Maka Al-Mukarama Muqdisho

Qarax Gaari maanta ka dhacay qeybta danbe ee Hotel Maka Al-Mukarama Muqdisho

daajis.com:-Qarax xoogan oo loo soo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa duhurkii maanta waxaa uu ka dhacay dhabarka danbe ee Hotelka Maka Al-Mukarama gaar ahaan meel .la dhigto baabuurta.

Ilaa hada waxaa la sheegay in labo ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo mid ka mid ah uu ahaa askari ilaalo ka ahaa Hoteelka.

Gaarigaan ayaa wararka waxa ay sheegayaan inu umeesha yaalay, kadibna uu sidaasi ku qarxay, iyadoo goobta qaraxa ka dhacay ay durba gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Gaariga qarxay waxaa la dhigay dhabarka danbe ee waqooyi Hotelka, goobta ayuu yiilay, waxaana u maleynaynaa in meesha looga tegay"ayuu yiri goob jooge ku sugnaa halka qaraxu ka dhacay.

Xiligii uu qaraxa dhacayay ayaa waxaa Hotelka ku sugnaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaano, iyadoo aysan jirin cid wax kasoo gaartay marka laga reebo dhaawacyada labadaasi qof.

Mudooyinkii u danbeeyay ayaa xaalada amaan ee Muqdisho waxay aheyd mid aan hagaagsaneyn , iyadoo Al-Shabaab ay xoojisay weerarada ay ka geysaneyso Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada