Midowga Afrika oo hambalyeeyay Qabashada Degmada Buulo Burde

Midowga Afrika oo hambalyeeyay Qabashada Degmada Buulo Burde

daajis.com:-Midowga Afrka ayaa soo dhaweyay qabashada magalada Buulo Burde oo ay dhawaan qabsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliyaa  oo taageero ka helayo ciidamada AMISOM ayaa  la wareegay magaalada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan oo ay ka talinaayen Xarakada al-shabab.

Midowga Afrika ayaa soo dhaweyay howlgalka ciidamada huwanta ah ay ku qabsadeen magalada Buulo Burde. Wakiilka gaar ah ee midowga Africa u qaabilsan Soomaliya Mahamat Saleeh Annadif ayaa sheegay in qabashada Buulo Burde ay tahay guul weyn oo usoo hooyatay dadka Soomaliyeed kana qeyb qaadaneeyso soo celinta nabadda iyo kala dambeynta.

“Buulo Barde oo ka tirsan gobolka Hiraan oo ah Sector 4-aad ee howlgalka AMISOM ayaa istiraatiiji u aheyd Al-Shabaab,waxeyna xarun iyo hooy ay u aheyd boqolaal ka tirsan argagixiada xiriirka la leh  Al-Qaacidada,qabashada ay magaaladaasi qabsadeen ciidamadeena geesiyaasha ah waxa ay kor u qaadeysaa dadaalkeena ku aadan sidii nabad iyo deganaasho loogu soo celin lahaa Soomaaliya,” Ayuu yiri Ambassador Annadif.

Howlgalka sida wada jirka ah ay u wadaan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo bishan bilowday ayaa ilaa hada lagu wareegay magaaloyin badan oo ku  oo ku yaala gobolada Bay, Bakool iyp Gedo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada