Qiso Xanuun Badan:- Guurka Labadeena Ma Ogola WaalidKeyga

Qiso Xanuun Badan:- Guurka Labadeena Ma Ogola WaalidKeyga

daajis.com:-Subax wanaagsan dhamaan saaxiibada qiimaha badan meel kasta ee aad dunida ku nooshahiinba kuna soo dhawaada qisooyinkii taxana ahaa ee aalaaba idin soo gudbin jirney saakay waxaa miiska inoo saaran qiso runtii xanuunkeeda wadata oo aan filaayo in dad badani saameyn ku yeelan doontee ka bogosho wacan. !

Fara badan qisooyinka jira ifka gaar ahaan kuwa dadkeena soomaaliyeed lifaaqooda jaceylka oo aan inta badan diirada saarno waxaan kula kulanaa hadba qisooyin cajiib ah kuwaas oo saameyn buuxda ku beera hadba qofkii aqrista, sidoo kale waa qayb ka mid ah cibro qaadashada iyo waliba waaya aragnimada admiga.

Qisadaan saakay aan idiin wada waxaa ina soo gaarsiiyey wiil soomaaliyeed oo runtii si fir fircooni leh u jecel inuu idinla wadaago qisadiisa hadii aan nahay bahda barnaamijka iyo shabakadaba waxaan had iyo jeer jecel nahay inaan idiin soo gudbino hadba qisadii aan is leenahay waxuun baa laga dheefi doona ama laga dhaxli.

Bilow: Jaceylkani waa mid soo gaba gaboobey oo haatan la doonayo mira gushadiisa marba hadii lasoo hadal qaadey sida diiwaankeena ka muuqata guur? Balse waxaa jira jidgooyo xoogan oo hortaala ficilkaa.

Dhowr sano markii la wada socodey ee qof walbaahi ku qancay qofka kale ‘XaSan Iyo NaSra’ waxa aay go,aan ku gaareen in aay is guursadaan oo aay inta ka dhiman noloshooda isla qaataan is wada jir ah, ka dib go,aankaas dhaxdooda ka soo baxay waxa aay is lahaayeen qof kasta oo maqlaahi arinkaan aad buu idiin soo dhawayn doonaa hadii aay ahaan laheed xaga qoyska, qaraabada, ehelada iyo waliba dhamaan asxaabta.

Laakin sida aay moodayeen xaalku ma noqon oo talaabadii ugu horeysay waxa aay kala kulmeen waji gabax ka gadaal markii waalidka ‘NaSra’ ku gacan seereen in gabadhooda u guri gasho Xasan, ayagoo waliba si carol eh ugu jawaabaya inantooda waxay usii raaciyeen hadii aay ka dhaga adeegto amarka waalidkeeda in laga saarayo gabi ahaanba ka mid ahaanshaha reerka, taasina waxay oodin ku beertay mustaqbalkii nasra. !

Xuseen oo ahaa qabaar suge ayaan helin jawaabtii xiligii lagu balanasanaa oo waxaa yimid dib u dhac maadaama lagu hungoobey hankii la lahaa oo nasra waxay madluun iyo murugo la dul fuushey sariirta. Waqtigu waxuu xawaareeyaba waxaa dhamaadey dulqaadkii xussan dabadeedna waxuu soo abaarey halkii iyo hoygii nasra, si uu uga war doono dhabta iyo xaqiiqda jirta ee kaliftey maqnaasha lamaantiisa nasra.

Hagaag waxuu soo gucleeyaba wuu nabad yimid iridii nasra oo garaacay, waxaa ka furey hooyo xaliima isla markii aay indha saartana bar aqoonsatay xasan, si xowli ah bay u su,aashay yaad aheed maxaadse doonee? Xasan oo hoos eegaya si xushmada leh ayaa ku yiri hooyo waa xasan waxaan doonayaa nasra oo aanan arag ilaa dhowr maalin, waxuu sii raaciyey maxaa heley gabadhii iyo miyeey xanuunsatay hooyo maxaa qaldan.?


Qabaar mooge waxaa loogu maah maahey wax jira moog Allow ha cadaabin, ayadoo loo sii raaciyey waryaa hada orodoo ku laabo halkii aad ka timid gabadheena adoo kale uma guurineyno oo aan xataa 3da waqti dabka shidine, waan aqaana qoyskiina waa dadka ugu saboolsan xaafada maxaa kuu gaaray guur waqtigaan ah iyo inaad ku fakarto gabdhaha ku nool nolosha dabaqada sare, mase waxaad dooneysaa hantidooda.!

Xasan oo aan maan garan hadalka hooyo xaliima ayaa ku war celiyey oo yiri hooyo maxaad ka wadaa ma aanan fahmin waxa aad ka hadleyso, balse hooyo xaliimo oo aad moodo inuu ka idlaadey xishoodkii ayaa mar kale si baahsan ugu celisay warkii hore aay u tiri, kadibna xasan waxuu yaqiinsadey dhabta iyo inuusan nasra nolol kula caweyn doonin, waxaa hadalka codka dheer ee xanuunka badan maqlay nasra oo sariirta iska dul saarneed maalmahan oo soo boodey indhaha markii aay saartay xasan ayeey oohin is celin waysay waxayna hadal oo dhan ugu soo koobtey xasan aboowe iska key iloow waalidkeyga ma ogola guurkeena. !

Xasan waxuu dib ugu laabtey tubtii uu ku yimid waxuuna uga tagay hadal aad u xigmad badan oo ahaa maalin maalmaha ka mid ah ayuu xaqu imaan dibada oo qof walbaahi la xisaabin doonaa insha Allah.

Sidaas ayuu ku soo afjarmay xariirkii iyo waliba mustaqbalkii labada lamaane halka aay nasra noqotay maqane jooge xasan la irdhoobey cuqdad aan dhamaad lahayn qof kastaahi waxuu lumiyey aaminaadii.

Aqriste ma taageersan tahay ficilka aay sameysay hooyo ‘Xaliima’ Mase waad ka soo hor jeedaa adiga.?

Qalinka waasuge iyo qasadii xanuunka intaas ayaan ku soo af meerayaa isbuucaane sidaas iyo nabad galyo.
Qalinka: Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada