M/waynaha Soomaaliland oo booqday degmada Laasqoray ee Puntland

M/waynaha Soomaaliland oo booqday degmada Laasqoray ee Puntland

daajis.com:-Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa Gaaray degmada Laasqoray oo katirsan gobolada Puntland.

Waxaa degmada Laas-qoray oo katirsan Gobolka Sanaag ee Puntland gaaray wafti uu hogaaminayay Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliland.

Waftiga uu siilaanyo horkacayay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliland Axmed Xaaji Cadami,Wasiirka kalluumaysiga Cali Buureed iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Maamulka Soomaaliland .

 
Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntland muxuu kayiri Booqashada Siilaanyo ee Laas-qoray .

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaacil Ciyoon oo aan koor dhawayd khadka Taleefoonka xirirri kula samaynay ayaa wax kamajiraan ku tlmaamay tagitaanka Laas-qoray ee Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

''Warkaas Walaal waxaa weeyeh war bogan bogaanda ah oo ay fidiyeen dad ka soo jeeda Soomaaliland,rabina masiirka iyo jiritaanka reer Puntland ''Sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ciyoon oo la hadlay shabakada Calanka.com.

Hadalka uu bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ayaa ah mid muujinaya kawar qab la,aanta uu gudoonka Gobolka Sanaag uu san ka war qabin wax yaabaha ka soconaya qayb ka mid ah degmooyinka Gobolkaasi.

 
Magaalada Boosaaso sidee looga dareemay Tagitaanka Laas-qoray ee Madaxwayne Siilaanyo.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Boosaaso ayaa iyagu Maanta si wayn u hadal haya Tagi taanka Degmada Laas-qoray ee Madaxwaynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Siilaanyo.

Waxaa sidookale jira dhaq-dhaqaaq ciidan oo si wayn looga dareemayo gudaha Magaalada Boosaaso .
 
Gaadiidka Dagaal ee ay leeyihiin Ciidanka Puntland ayaa ah kuwo laga soo saaray xeryihii ay ku Jireen ee ku yaala Gudaha Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Faah Faahin dhamaystiran lagama hayo ilaa hada Booqashada uu Degmada laas-qoray ku tagay Madaxwaynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo iyo waftiga uu hogaaminayo .

Puntland ilaa hada kama aysan hadlin Booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Gobolka Sanaag,balse waxa la hadal hayaa in madaxda Puntland dhawaan ay ka hadli doonaan mow qifkooda ku aadan tagitaanka laas-qoray ee Siilaanyo.
 

Maxamed Xirsi Jabra


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada