War Deg Deg Ah:- Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo goordhaw Al-Shabaab kala wareegay Goobo Muhiim ah

War Deg Deg Ah:- Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM oo goordhaw Al-Shabaab kala wareegay Goobo Muhiim ah

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen Deegaano dhoor ah oo kuyaala Gobolkaasi.

Ciidamada Huwanta oo aad u Hubeesnaa ayaa saakay u dhaqaaqay lana wareegay Degmada Warshiikh ee Gobolka Sh/Dhaxe iyo Deegaano kale oo dhoor ah oo horey gacanta ugu hayeen Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab.

Masuuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Sh/Dhaxe ayaa sheegay in goordhaw la waeegeen Degmada Warshiikh iyo Deegaano kale oo badan hadana ay kusii jeedaan Degmada Cadale iyo Deegaano kale oo wali gacanta ugu jira Al-Shabaab.

Lama soo sheegin wax dagaalo ah oo ka dhacay Degmada Warshiikh iyo Deegaanada kale ee goordhaw la wareegeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Howlgalka maanta ka bilowday Gobolka Sh/Dhaxe ayaa u muuqda mid lasocda Howlgalo kale oo kasocda Qaar kamid ah Gobolada Dalka oo AL-Shabaab looga qabsaday Degmooyin iyo Deegaano badan ay horey gacanta ugu hayeen.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Howlgalkan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada