Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay aaska Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec+sawirro

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka qeyb galay aaska Fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec+sawirro

daajis.com:-Allaha u naxariistee Fannaanka caanka ah ee Maxamed Suleymaan Tubeec ayaa saakay lagu aasay qabuuraha Dugsiga Booliska, waxaana aaska marxuumka ka soo qeyb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

Meydka Maxamed Suleymaan Tubeec oo saakay aroornimadii hore laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana soo galbiyay qaar ka mid ah eheladiisa, xubno ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan.

Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa ka qeyb galay aaska marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec, iyadoo lagu ag aasay qabrigii Jan. Kaahiye ee ku yaala Dugsiga Booliska magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah madaxdii ka qeyb galay aaska ayaa khudbad ay ka jeediyeen qabriga waxay dadweynaha ka dalbadeen in la cafiyo fanaanka Maxamed Suleymaan Tubeec, isagoona lagu aasay halkii uu ka dardaarmay markii uu noolaa oo ahayd magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, aaska ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xersi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, Wasiirka Duulista Hawada Siciid Qoorsheel, Wasiirka Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiir kuxigeeno, Fanaaniin, Abwaano iyo taageerayaal kale.

Aaska kadib Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u duceeyay Fanaanka Maxamed Saleebaan Tubeec, wuxuuna alle uga baryay inuu u dambi dhaafo, janadiisana geeyo.


“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan shacabka iyo Fanaaniinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay fanaankeena qaaliga ah. Tubeec waxa uu ka mid ahaa fanaaniinta hal doorka ah wuxuuna caan ku ahaa dareen wadaniyadeed iyo wacyigelinta bulshada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh.

Dhinaca kale waxaa fashilmay qabanqaabo iyo diyaar garow Somaliland ka socday oo la doonayay in lagu aaso magaalada Hargeysa, kadib markii Madaxweynaha Somaliland u gudi u saaray Madaxweynaha Somaliland.

  


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada