daajis.com:-Waa kuwee dadka dabeecadaha adag lihi?
Dadka dabeecadaha qalafsan waxa lagu tilmaamaa in ay yihiin dadka aan
la fahmin. Waa dadka yeela sida aanad doonayn in ay yeelaan ama aan
yeelin sida aad doonaysid in ay yeelaan, waa dadka aanad garnaynin si
alaala si aad ka yeesho!
Haddaba sideen ula dhaqmi karnaa dadkan? sideen se u fahmi karnaa?
sideebaan uga badbaadi karnaa dhibkooda? Sidee baynu se wax ugu sheegi
karnaa?
Haddaba Haddii aynaan baddali karayn dabeecaddoodda aynu bal isku
dayno in aan wax ka baddali karno qaabka aynu ula dhaqmayno dadyowgaas.
Haddii aad la kulanto qof ka mid dadkan isku day in aad samayso afartan qodob mid ka mid ah:
Ha la hadlin! Dadka dabeecadaha adag waxba ha ku odhan isla markaasna
wax aad ka cabanayso ha u sheegan! In aad qofna la hadli waydaa waa mid
halis ah marka ay timaado nolosha caadiga ah se marka ay dadka noocan
ah noqoto waa mid faa’ido leh waayo isku falcelin heli maysid haddii aad
dhibkaaga u sheegato qof dabeecad adag iyo qof qalbi wanaagsan.
Haddii
aad dhib ku heshay u sheegato oo la wadaago qof wanaagsan waxa uu hoos u
dhigi doonnaa qofkaasi murugadaadii isla markaasna waxa uu kor u qaadi
doonaa niyaddaadii isagoo yididiilo wanaagsan iyo rajo kugu abuuraya,
halka ka dabeecadda noocan ah lihi uu kugu ridayo niyad jab wayn isla
markaasna taas oo xaaladda aad ku sugantahayna ka sii daraysa.
Iskaga dhaqaaq: go’aanka ugu wanaagsan ee aad ka qaadan karto qof
dabeecad adagi waa adiga oo iskaga dhaqaaqa oo iskaga taga. Qofka oo
aad iskaga dhaqaaqdaa waxa ay macno samaysaa marka qofkaas la sii
joogiisu macno samay waayo! Xaaladdu waxa ay ugu xuntahay marka qofka
hadal kasta oo aad tidhaa iyo ficil kasta oo aad samaysaa waxba u soo
kordhin waayaan oo ay uga sii daraan. Markaas ayay habbooon tahay in aad
arrimihiisa faraha kala baxdo oo aad iskaga tagto.
Wax ka baddal hab-dhaqankaaga: marka aad la hadlaysid qof dabeecad
adag isku day in aad ula hadashid ulana dhaqantid si ka duwan sida aad
ula dhaqantid dadka kale. Tani waxa ay kuu saamaxaysaa in aad ka samato
baxdo dhibaatooyin kaaga iman lahaa xaggiisa.
Wax ka baddal dabeecaddaada: marka aad yar badasho qaabka aad ula
dhaqmayso qofka dabeecadda adag waxa aad jeexaysaa dariiq iyo hab cusub
oo aad iskula dhaqantaan hadda kadib.
Waxa aad xasuusnaataa in marka aad la dhaqmaysid dadka noocan ah aad
haysatid afartan qodob se doorasho kali ahi ay kuu bannaan tahay ku
dhaqankeedu.
Raad raac: Buugga magaciisu yahay ‘Dealing with difficult people’ ee ay qoreen Dr Rick Brinkman iyo Dr Rick Kirschner.
Muna Axmed Cumar
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:20 and have
, Published at