Cali Dheere :- Kenya in loo jawaabo ma mudneyn, waana wax lala yaabo sida loo buun buuniyay"

Cali Dheere :- Kenya in loo jawaabo ma mudneyn, waana wax lala yaabo sida loo buun buuniyay"

daajis.com:-Afhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta ku hadasha Afka Shabaab waxaa uu kaga hadlay wararka la isla dhex marayay iyo sheegashadii dowladda Kenya ee ahaa inuu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeyn bishii Janaayo ka dhacday Gobolka Gedo.

Cali Dheere ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay hadalkan, isagoo sheegay in aanay mudeyn in Kenya looga jawaabo been intaas la eg, hase ahaatee ay doonayaan kaliya inay dadka muslimiita u cadeeyaan in warkaas uu been yahay.

"Runtii qoladan gaalada Kenya in loo Jawaabo ma mudnayn beenta intaas la eg in ay sheegaan waxaa ku khasbay ciidankooda Soomaaliya ku soo duulay ayaa dhibaata la kulmay,shacabka Kenya ayaa dowladda farqaha ku dhegan baaba'a iyo halaagga wiilashooda gaaraya ayay beenta maciin bideen oo ay yiraahdeen mujaahidiinti ayaan dilnay"ayuu yiri cali Dheere.

Cali Dheere ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida oo wararkan aad u buun buuniyay, waxaana uu sheegay inay aheyn marka hore inay iska hubiyaan waxa ay sheegayaan.

"Waxaa la yaab ah warbaahinta qaar ka mid ah oo afka Soomaalida ku hadla ee sida indha la'aanta u taageeray, wararkaasna buun buuniyay, in aysan ka fiirsanin wax ay sheegayaan oo ay madax martay kaliya taageerada gaalada, iskama hubieysaan waxaa sheegeysaan ma runaa ma beenaa, taas waxay muujineysaa daacada aad gaalada u noqoteen"ayuu yiri Cali Dheere.
Afhayeenka ciidamada Milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in Afhayeenka Shabaab Cali Dheere inuu u dhintay dhaawac soo gaaray, kadib duqeyntii diyaaradaha Kenya ku qaadeen 10-kii Janaayo ee sanadkan deegaanka birta dheer.

Ma ahan markii u horeysay ee Kenya ay sheegato inay dishay saraakiil ka tirsan Shabaab, iyadoo marar badan Afhayeenadooda dhinaca milateriga inta wararkan oo kale baahiyeen ay hadana dib ka beenowday.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada