Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo guul taariikhi ku tilmaamay la wareegitaankii Buulo Burde

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo guul taariikhi ku tilmaamay la wareegitaankii Buulo Burde

daajis.com:-Xildhibaan Maxamed Amiin Xasan C/llaahi (Amiin Aalow) oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyay la wareegitaankii degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, halkaasoo shalay ay qabsadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo wada jir ah.

Xildhibaanka ayaa bogaadiyay guulaha ciidamada xooga dalka oo gacan ka helaya ciidamada AMISOM, isagoo ku tilmaamay la wareegidii Buulo Burde inay aheyd guul taariikhi ah.

"Waxaan aad u soo dhaweynayaa guulaha isdaba jooga ah oo ay xaqiijinayaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helayo Ciidamada AMISOM guud ahaan gaar ahaan kuwa Gobalka Hiiraan guulihii taariikhiga ahaa ee ay ka gaareen gulifkii ay ku ku qaaddeen kooxda nabad diidka ah, kana saareen Degmada Buula Bardde iyo Deegaano badan oo kamid ah Gobolka Hiiraan"ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Amiin.

Xildhibaan Maxamed Amiin ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Hiiraan, heer degmo iyo heer Gobol oo uu sheegay inay dhex u xirteen muddo badan ka shaqeyta howlaha ammaanka iyo sidii deegaanada ka maqan gobolka dib gacanta loogu soo celin lahaa.
Sidoo kale Xildhibaanka ayaa ugu baaqay maamulka Gobolka inay si dhow ula socdaan xaaladaha ammaanka iyo nolosha dhabta ah ee bulshada ku nool deegaanada laga saaro Al-Shabaab.

"Waxaan ugu baaqayaa Maamulka Gobalka inay si dhow ula socdaan xaaladaha Amaanka iyo nolasha dhabta ah ee Bulshada dhamaan goobaha la xureeyay loona sameeyo Guddiyo Amaan oo ka kooban qeybaha Bulshada iyo Maamul KMG ah oo sii shaqeeya inta Dowladda dhaxe ay ka soo magacaabeyso maamul rasmi ah si looga hortago Marnaansho Maamuleed, Amniyeed iyo Siyaasadeeda"ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Amiin.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale waxaa uu baaq u jeediyay dadkii ka barakacay degmada Buulo Burde inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, waxaana uu sheegay in laga fogaado dhibaateynta shacabka, marka ay soconayaan howl galada, si aysan wax dhibaato uga soo gaarin. 

Ugu danbeyn waxaan ugu baaqay Dowladda Federaalka inay gar gaar beni'aadamnio oo nooc walba ah la gaarto dhamaan goobaha la xureeyay si looga hortago inay Macluul daran dhacdo. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada