Beero lagu abuuray maandooriyaha Xashiishka oo lagu gubay gobolka Shabeellaha dhexe

Beero lagu abuuray maandooriyaha Xashiishka oo lagu gubay gobolka Shabeellaha dhexe

daajis.com:-Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku gubay duleedka magaalada Jowhar dhul beereed ballaaran oo lagu abuuray maandooriyaha loo yaqaano Xashiishka, iyadoo howl galkan uu ahaa kii ugu ballaarnaa uu sameeyay Maamulka. 

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa sheegay in maamulkooda uu gubay beero lagu beero maandooriyaha xashiiska.

Cabdi Jiinow ayaa sheegay in maamulkooda uu ku guuleestay in ay soo helaan beeraha laga beero maandooriyaha xashiiska dabadeedna ay gubeen si deeganka aaney saameen ugu yeelan.

Wuxuu kaloo sheegay in ganacsato Soomaali ah iyo ajaaniib ay dhaqaale ku bixin jireen maandooriyaha lagu beerayo beeraha ku yaalla gobalkaas.

Dhanka kale, kulan ay isugu yimaadeen guddiga ammaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa looga hadlay sidii looga hortagi lahaa goobo lagu beero maandooriyaha xashiiska oo ku yaal deegaanno hoostaga degmada Jowhar iyo sidii loo taageeri lahaa howlgallada ka socda gobolkaasi.

Maamulka gobalka Shabeellaha dhexe ayaa kulankan la qaatay guddiyo ka socda afarta xaafadood oo ay ka koobantahay degmada Jowhar, waxaana looga hadlay sidii looga hortagi lahaa maandooriyaha loo yaqaano Xashiiska kadib markii ay magaaladaasi kusoo bateen falal amni darro ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada