Mid kamid ah Culimada sida weyn u taageera Al-Shabaab oo lagu xiray Magaalada Nairobi

Mid kamid ah Culimada sida weyn u taageera Al-Shabaab oo lagu xiray Magaalada Nairobi

daajis.com:-Wararka aan ka heleyno Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka Dalkaasi ay xabsiga dhigeen mid kamidah Wadaada Soomaaliyeed ee sida weyn u taageera Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada Kenya ayaa xalay saqdii dhaxe waxa ay gurigiisa ugu tageen kadibna xabsiga Dhageen Sheekh Xassaan Xuseen Aadan "Abuu Salmaan", , Wararkaaan helnay ayaa sheegaya in Sheekha lala xiray Xaaskiisa.

Lama oga ilaa hada halka ay ku xireen Ciidamada Amaanka Kenya Sheekh Xasaan iyo Xaaskiisa , waxaana lagu soo waramyaaa kahor inta aan la xirin Wadaadkan Siyaasad ahaan tagaeersan Al-Shabaab,in Ciidamada weediiyeen Su’aalo badan kadibna horey u wateen.

Waxaa Magaalada Nairobi kasocda Dadaalo badan ay wadaan Ehelada iyo asxaabta Sheekh Xassaan Xuseen Aadan "Abuu Salmaan” oo gacanta ugu jira Ciidamada amaanka Dowlada Kenya.

Xariga loo geestay Sheekh Xasaan ayaa imaanaya xili Magaalada Nairobi ay kasocdaan raaf lagu qabanayo Soomaalida kunool Magaaladaasi, kadib qarax habeen kahor dad badan ku dhinteen uu ka dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.
xigasho:allbanaadir FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada