Chelsea Oo Qabatay Hogaanka Premier League Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Stoke City+ Sawirro

Chelsea Oo Qabatay Hogaanka Premier League Ka Dib Guul Ay Ka Gaareen Stoke City+ Sawirro

daajis.com:-Chelsea ayaa la wareegtay hogaanka Premier League ugu yaraan ilaa iyo berrito ka dib markii ay 3-0 ku dubteen kooxda Stoke City oo marti ugu aheyd Stamford Bridge.

Jose Mourinho ayaa go’aansaday inuu kooxdiisa ku soo celiyo Fernando Torres, halka Eden Hazard uu kulankaan ku soo bilowday kursiga keydka.
Fursadii ugu horeysay ee fiicneyd waxaa heshay kooxda martida loo ahaa ee Chelsea daqiiqadii 25aad markii Torres uu ku dhawaaday inuu dhaliyo goolka furitaanka, iyadoo goolhaye Begovic uu cagtiisa kaga badbaadiyay weeraryahanka reer Spain.
Chelsea ayaana si rasmi ah hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 33aad waxaana meel 14 yard u jirta goolka ka dhaliyay Mohamed Salah oo kulankaan ku soo bilowday. Waxa ay aheyd Super goal, iyadoo uu si wacan u dhameystiray kubad uu u soo celiyay Matic.
Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay Chelsea oo goolkaas ku hogaamineysa ciyaarta, waxaana Chelsea ay hogaanka dheereysatay daqiiqadii 62aad markii rigoore loo dhigay iyadoo Wilkinson uu qalad ku galay Mohamed Salah xerada ganaaxa dhexdeeda.



Frank Lampard ayaa u soo istaagay rigoorada, waxaana markii hore ka badbaadiyay goolhaye Begovic laakiin Lamps ayaa dhaliyay kubadii ku celiska aheyd isagoo hogaanka Chelsea ka dhigay 2-0.
Goolkaas oo Lampard dhaliyay ayaana ka dhigeysa inay kaalinta afaraad ee kala sareynta goolasha abid ee Premier League ay kuwada jiraan Wayne Rooney iyagoo wadaaga 171 gool.
Daqiiqadii 73aad ayuuna Willian shabaqa ku hubsaday kubad xoogan uu ka tuuray afka hore ee xerada goolka taasoo ka dhigtay 3-0 oo ay ciyaarta ku hogaamineysay Blues.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-0 oo ay Chelsea guusha ku raacday taasoo ka dhigeysa inay 72 dhibcood ku qabteen hogaanka horyaalka Premier League inkastoo Liverpool ay berri ku soo laaban karto hogaanka haddii ay badiso madaama ay haatan leeyihiin 71 dhibcood.
Kulankaan ayaa sidoo kale ka dhigan in Jose Mourinho aan weli looga badinin kulan hogaanka horyaalka Stamford Bridge waana kulankiisii 77aad isagoo badiyay 61 ka mid ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada