Liecester City:- Oo Ku Soo BirteyPremier League Ka Dib 10 Sanadood Oo Ay Ka Maqnaayeen.

Liecester City:- Oo Ku Soo BirteyPremier League Ka Dib 10 Sanadood Oo Ay Ka Maqnaayeen.

daajis.com:-Leicester City ayaa u soo dalabtay horyaalka Premier League ka dib markii Derby County iyo QPR laga badiyay kulamadii maanta ee horyaalka heerka labaad.

Kooxda Leicester City ayaa qarka u fuushay inay xaqiijistaan ku soo laabashadooda Premier League habeenkii jimcaha markii ay 2-1 kaga badiyeen Sheffield Wednesday ciyaar ka dhacay King Power Stadium.
Waxaana ay ku soo baxeen iyagoo u baahnaa kaliya in QPR ay guuldarro ka soo gaarto Bournemouth islamarkaana Derby ay ku guuldareysato inay ka badiso Middlesbrough.
QPR ayaa looga badiyay 2-1 halka Derby ay guuldarroo 1- 0 ka soo gaartay Middlesbrough, taasoo la micno ah in dabaaldega uu u bilaabanayo Leicester City oo si rasmi ah u xaqiijisatay ku soo laabashadeeda Premier League.
Leicester ayaa ka hartay Premier League 2004tii, waxaana ay ka maqnaayeen horyaalka muddo 10 sanadood ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada