Wasiirka arima gudaha Abdullahi Goodax Bare oo maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka

Wasiirka arima gudaha Abdullahi Goodax Bare oo maanta hortagaya Golaha Baarlamaanka

daajis.com:-Waxaa lagu wadaa in maanta Baarlamaanka Federaalka Somalia in uu hor yimaado Wasiirka Arimaha Gudaha Somalia C/llahi Goodax Bare iyaga oo weyndiin doono Su'aalo badan. 

Wasiirka ayaa waxaa horay u dalbaday Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia iyaga oo wax ka weydiin doono arimo ku saabsan dhanka maamulada degmooyinka iyo gobolada sameyn tooda iyo waxa laga badalay.
Xildhibaanada ayaa Wasiirka hordhigi doono sharciyo ku aadan cida magacaabi karta degmooyinka iyo qofka sharciga u leh yo sida ay hadda wax ku socdaan iyo maamulada is khilaafsan ee ka jira Baydhaba waxa ay a qabteen.
Xildhibaano badan ayaa mooshinkaan keenay kuwaas oo ka careysnaa habka uu gudoomiyaha  gobalka Banaadir xilka kaga qaadayo maamulada degmooyinka Gobalka iyaga oo sheegaayo in ay sharci daro ay tahay.
Sikastaba Wasiirka ayaa diyaar u ah in uu ka jawaabo su'aal kasta oo kaga timaado dhanka Xildhibaanada isaga oo laga yaabo in kulankaan uu ku wehliyo wasiirka Ammaanka C/kariim Xusen Guuleed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada