Wararkii ugu dambeeyay Xaafada Islii oo weli ka soconaya raaf

Wararkii ugu dambeeyay Xaafada Islii oo weli ka soconaya raaf

daajis.com:-Wararka laga helaayo dalka Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas wali ay ka soconayaan baaritaano xogan oo ay ciidanka Kenya ka sameenayaan xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Inta badan ciidanka Kenya ayaa maalmihii ugu danbeeyay waday baaritaanadaan lagu raafayo dadka Somaliyeed ka dib markii qaraxyo ay ka dhaceen xaafadaan oo ay dadka Somaliyeed ku badan yihiin.
Ciidamada Kenya qaasatan kuwa Booliiska ayaa tan iyo shalay ku jiray xaafada Islii iyaga oo xabsiga u taxaabay dad badan oo Somaliyeed oo halkaas ku ganacsada .
Baaritaanadaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli maalintii shalay magaalada Nairobi ay kulan ku yeesheen M/weynaha Somalia iyo dhigiisa dalka Kenya iyaga oo ka wada hadlay xaalada halkaas ka jirta.
Si kastaba ciidamada Baaritaanada wada ayaa waxa ay wali ku sugan yihiin Islii iyaga oo xabsiga u taxaabayo qof kasta oo Somali ah sharci kasta uu heysto.
Dadkii lagu qabqabtay howlgalkii Islii ayaa la sheegay in hadda lagu haayo garoon lagu ciyaaro K/cagta oo ku yaala Nairobi waxaana la ogeyn waxa laga sameyn doono.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada