Daawo Sawirada:- Ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee jooga Soomaaliya oo soo wajahday dhibaato cayil ah

Daawo Sawirada:- Ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee jooga Soomaaliya oo soo wajahday dhibaato cayil ah

daajis.com:-Ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka socda dalka Uganda ayaa toddobo sano ay ka soo wareegatay tan iyo markii ay ciidamadaas ay soo gaareen Soomaaliya.


Illaa 7000 oo askari oo ka socda dalka Uganda ayaa jooga Soomaaliya waxaana ciidamadaasi dhibaato ay ku noqonaysaa marka ay dib ugu laabtaan wadankooda inay la qabsadaan noloshooda. 

Weriye u dhashay dalka Uganda oo yimid Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee ugu horeysay ee uu ku sugnaa dalka waxa uu arkay in dhibaatada ugu daran ee haysata ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya aysan ahayn inay ka baqaan inay naftooda ku waayaan dagaalo dhex mara AMISOM balse dhibaatada ugu daran ayaa waxa ay tahay miisaankooda oo kordha. 

Ciidamada ka socda dalka Uganda ayaa waxa ay maalin walba cunaan cunto ka tayo wanaagsan marka loo fiiriyo tan ay dalkood ka cunaan.

Quraacada ay cunaan ciidamadan ayaa waxaa ka mid ah caano,rooti,ukun,cabitaan miiran iyo malab. Sidoo kale waxaa quraacda ka mid ah shaah,kafee iyo shukulaato.

Qadada marka la gaaro ayaa ciidamada waxa ay cunaan bariis,digaag,hilib xoolo,kalluun,digir iyo qudaar kala duwan. Qadada ayaa waxaan ka marnayn cabitaano u badan liin macaan iyo liin dhanaan iyo weliba tufaax. 

Mid kamid ah ciidamada Uganda ayaa ku qeyliyay inuusan helin shantiisa tufaax toddobaadkan isagoo weydiisanayay cunto kariyihii inaysan taasi suurtogal ahayn.

Afhayeenka ciidamada Lt. Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadiisa ay u baahan yihiin in ay iska ilaaliyaan cayilka.Qolka ay ku cunteeyaan ciidamada ayaa waxaa ku xiran shaashad Taleefishin oo weyn taasoo ay ka daawadaan kanaalada wararka inta ay cuntaynayaan sidoo kale waxaa yaal qaboojiye ay ka buuxaan qudaar miiran iyo cabitaan. 





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada