Daawo Sawirada:- Wiilyar oo 9-Bilood jir ah oo kasoo muuqday Maxkamad loona heesto isku day Dil

Daawo Sawirada:- Wiilyar oo 9-Bilood jir ah oo kasoo muuqday Maxkamad loona heesto isku day Dil

daajis.com:-Wiil yar oo Sagaal bilood jir ah ayaa markii ugu horeesay waxa uu kasoo muuqday Maxamad ku taala Magaalada Lahore e Dalka Pakistaan , wiilkan yar ayaa loo heestaa in uu ka qeyb qaatay isku day dil ah oo loo geesan rabay Sargaal katirsan Ciidanka Booliiska .

Wiilkan yar oo lagu Magacaabo Muhammad Mosa Khan ayaa ka qeyb qaatay tuuryo ay Qoyskiisa kula dhaqaaqeeen Ciidamo katirsan Booliiska xili ay baadi goobayeen tuugo wax ka xaday.Magaalada Lahore e Dalka Pakistan.

Wiilkan yar ayaa laga soo qaaday Sawiro isaga oo fadhiya dhabta aabihiis isla markaaan nuugaya Masaasad ay caano ku jireen, waxaana arintan layaab ku tilmaamay dad badan oo ka daawaday warbaahinta caalamka saqiirkan dambiga loo heesto.

Wakiilka dowlada Pakistan ee gobalka Punjab, kaas oo amar ku bixiyay in arinta si qota dheer loo baaro , waxaana dib loo dhigay Dacwada looga heesto Wiilkan yar iyo xubnaha kale ee qoyskiisa ilaa 12-ka bishaan aan ku jirno.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada