Ciidamada Itoobiya oo xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Guriceel iyo Wariye

Ciidamada Itoobiya oo xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Guriceel iyo Wariye

daajis.com:-Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Guriceel iyo Wariye, kuwaasoo u kuur galayay xaalada deegaano ka tirsan dhulka Soomaalida Itoobiya, halkaasoo ay ka jirtay xaalado biyo la'aan.

Xariga Mas'uuliyiintan ayaa shalay dhacay, kadib markii ay u gurmadeen deegaano ka jiray biyo la'aan baahsan oo gaartay heer ay dad u geeriyoodaan, waxaana dadka la xiray la sheegay inay kor u dhaafayeen ilaa 15-ruux oo isugu jiray Mas'uuliyiin, dad qurba joog, nabadood iyo wariye u shaqeynayay Idaacada Radio Galgaduud.

Dadka la ay Ciidamada Itoobiya xabsiga u taxaabeen ayaa waxaa ka mid ah Madaxa Amniga degmada Guriceel Muuse Macalin Tashade, Madaxa Arrimaha Bulshada Mursale Maxamed Xeefow iyo Wariye C/qaadir Guure Barre.

Ma jirto ilaa iyo hada wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Ahlusuna iyo kan degmada Guriceel oo ku aadan xariga Mas'uuliyiinta lagula dhaqaaqay, xilli ay kormeerayeen deeganada ay ka jirtay biyo la'aanta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada