Daawo Sawirada:- Doorashada Madaxtinimada Afganistan oo saakay bilaabatay iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

Daawo Sawirada:- Doorashada Madaxtinimada Afganistan oo saakay bilaabatay iyo ammaanka oo aad loo adkeeyay

daajis.com:-Dadka reer Afganistan ayaa saakay u dareeray doorashada madaxtinimada dalkaas oo lagu dooranayo Madaxweyne cusub oo bedelay Xamiid Karzai, iyadoo doorashadan ay tahay tii u horeysay ee taariikhda dalkaas ka dhacda.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo kumanaan ciidamo ah lagu xoojiyay magaalooyinka ay ka dhaceyso codeynta.

Kooxda mayalka adag ee Taliban ayaa ku hanjabtay inay weerari doonto goobaha cod bixinta, waxaana saakay horay dadweynuhu ay u soo baxeen goobaha sanaadiiqda la soo dhigay ee magaalooyinka Afgnistan.

Ilaa sideed musharax aya u taagan doorashada Madaxtinimada dalka Afganistaan, kuwaasoo doonaya inay xilka kala wareegaan Xamiid Karzai oo aan isa soo sharixi doonin, maadaama dastuurka dalkas uu qabo in sadddex mar ka badan aan Madaxweynaha mar kale isa sharixi karin.

Saakay aroortii hore ayaa roobab xoogan ay ka curteen Caasimada Kabul, iyadoo dadweynaha ay soo kalaheen saacad ka hor inta aan la furin goobaha cod bixinta.
Magaalada Kabul ayaa waxaa lagu xoojinayaa ilaa 400-kun askari oo sugaya ammaanka iyo meelaha ay ka socoto cod bixinta.

Arrimaha layaabka lahaa ayaa waxaa ka mid ahaa in magaalooyinka fog fog ee Afganistan sanaadiiqda cod bixinta lagu qaadayay dameero.

Shalay ayay aheyd markii magaalada Khost ee ku dhow xadka Pakistan lagu toogtay labo wariye u shaqeynayay Wakaalada Wararka ee AP, mid ka mid ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa geeriyootay, halka mida kalena oo dhalashadeeda aheyd Canada dhaawac halis ah soo gaaray.

Caalamka ayaa indhaha ku haya doorashadan, waxaana si gaar ah loo dhowraya ninka bedelaya Xamiid Karzai oo mad madow siyaasadeed uu soo dhex galay Mareykanka iyo xulafadiisa.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada