Madaxweynaha Soomaaliya oo la shiray Madaxweynaha Kenya + Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya oo la shiray Madaxweynaha Kenya + Sawirro

daajis.com:-Madaxweynayaasha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kulan ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Kenya ayaa waxaa labada dhinac isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ugu horeyso meel marinta heshiis seddax geesood ah oo sannadkii horre dhex maray Soomaaliya, Kenay iyo UNHCR.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Americo oo goobjoog ka ahaa kulankaas ayaa saxaafadda u sheegay in looga hadlay siddii loo meelmarin lahaa heshiiska seddax geesoodka, sidoo kale wuxuu sheegay in la iska soo qaaday waxaa kaloo kulan looga hadlay siddii lo dardar galin lahaa dagaalka ka dhanka maleeshiyaadka Al-Shabaab.
xasan-uhuru-1
Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka qaybgalay daahfurka diyaarad cusub oo ay lee dahay Kenya oo maanta billaabeysa duulimaadka caalami ah.
Labada madaxweyne ayaa la arkayay iyagoo saaran diyaaradda cusub ee Kenya Airweys, taasoo maanta xarigga laga jaray duulimaadkeeda.p
Kulanka labada madaxweyne ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta xaafadda Islii ee Nairobi ay ka dhaceen howgallo ballaaran oo ka dhan Soomaalida ku dhaqan xaafadaas, sidda uu ku soo warramay wariyaaha Caasimada Online ee Nairobi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay magaalada Brussels ee dalka Belgium halkaasoo uu ka qaybgalay shirkii Midowga Yurub iyo Afrika.
xasan-uhuru-2xasan-uhuru-3xasan-uhuru-4xasan-uhuru-5xasan-uhuru-6xasan-uhuru-7xasan-uhuru8 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada