Amiir sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo cafis ka dalbaday shacabka

Amiir sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo cafis ka dalbaday shacabka

daajis.com:-Amiir ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab oo darajo sare ka hayay, ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in cafis u fidiyaan, isagoo caddeeyay in uu ka baxay Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Isaaq Maxamed Iidor wuxuu ahaa Taliyihii Saldhiga degmada Mahadaay ee Gobolka Sh/Dhexe, wuxuuna hadda ahaa madaxii dacwada Al-Shabaab ee degmada Xudur.

Isaaq Maxamed Iidor oo meel fagaare ah kala hadlayay dadweynaha Xudur ayaa wuxuu ka codsaday shacabka in la cafiyo, isla markaana loo raacan wixii uu hore u sameeyay intuu ka mid ahaa Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo Todobaadkii hore isku soo dhiibay Dowladda Federaalka ayaa wuxuu caddeeyay in uusan dib danbe ugu laaban doonin Al-Shabaab.

Waa Sarkaalkii ugu horeeyay ee Al-Shabaab kasoo baxa oo meel fagaare ah ka sheegay, dadkana ka codsaday in cafis u sameeyaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:26 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada