Daawo Sawirada:- Luis Suarez oo ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan Horyaalka Ingiriiska

Daawo Sawirada:- Luis Suarez oo ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan Horyaalka Ingiriiska

daajis.com:-Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka Uruguay ayaa ku guuleystay abaal marinta ciyaaryahanka ugu fiican Horyaalka Ingiriiska.


Suarez ayaa loo boqray xidigii ugu fiican xilli ciyaareedka 2013/2014 ee hada sii dhamaanaya, waxaana ay kooxdiisa ay wali hogaanka u heystaa Horyaalka Ingiriiska.

Ciyaaryahan Suarez ayaa u dhaliyay xilli ciyaareedkan kooxdiisa Liverpool 30-gool, waana uu u dhow yahay inuu ku guuleysto ciyaaryahanka ugu goolasha badan Yurub.

Abaal marinta PFA ee sanadlaha ee la siiyo xidiga ugu fiican ayaa xalay la gudoonsiiyay Suarez markii ay soo dhamaatay ciyaartii kooxdiisa looga badiyay garoonkooda ee Chelsea ay uga adkaatay 0-2.

Sidoo kale ciyaaryahan Edin Hazard oo u ciyaara kooxda Chelsea ayaa isna ku guuleystay ciyaaryahanka ugu wanaagsan ee da'yarka Horyaalka Ingiriiska, waxaana Hazard uu si weyn uga dhex muuqday kooxdiisa.

Xidigan reer Belgium oo haatan dhaawac uga maqan kooxdiisa ayaa wacdaro ka dhigay tartanka Horyaalka Ingiriiska.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada