DAAWO SAWIRIDA:- Real Madrid oo 12 sano kadib u soo baxday Finalka Uefa Champions League

DAAWO SAWIRIDA:- Real Madrid oo 12 sano kadib u soo baxday Finalka Uefa Champions League

daajis.com:-Real Madrid ayaa usoo baxday finalka UEFA Champions League markii ugu horreysay muddo 12 sano ah, ka dib markii ay cashar lama iloobaan ah u dhigtay Bayern Munich kulankii lugtii labaad ee wareega semi-finalka ee ka dhacday garoonka Allianz Arena oo ay ku garaacday 3-0, iyadoo celcelis ahaan labadii lug uga soo baxday 5-0, isla markaana tiigsatay finalka Lisbon ee 24ka May.

Iyadoo 1-0 kusoo badisay kulankii lugtii hore ee wareega semi-finalka ee Arbacadii lasoo dhaafay ka dhacday Santiago Bernabue markaasoo uu goolkeeda keliya u dhaliyey Karim Benzema, Los Blancos ayaa iskeentay Allianz Arena oo dhan kasta ka camiran isla markaana kooxda iska leh ee Die Roten laga doonayo natiijo laba gool oo nadiif ah si ay ugu soo baxdo finalkeedii afaraad muddo shan sanno ah.

Laakiim Madrid ayaa 20kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horreysay demisay dabkii ka shidnaa Allianz Arena isla markaana taageereyaasha Jarmalka tustay inaysan waxba meesha ku heyn kooxdoodu, iyadoo laba gool oo madax ah uu ka dhaliyey daafaca reer Spain Sergio Ramos ka hor inta uusan goolkeeda seddaxaad u dhalin Cristiano Ronaldo.

Hase yeeshee, Gareth Bale ayaa ahaa xiddigii ugu horreeyey ee fursad fiican ciyaarta ka helay weeraryahanka reer Wales ayaa hogaanka u dhiibi karay kooxdiisa Real ka dib markii uu xariiqdiisa soo dhaafay goolhaye Manuel Neuer, laakiin xiddigii hore ee Tottenham ayaa darbadiisii shabaqa sarre martay.

Arjen Robben iyo Franck Ribery ayaa isku deyey inay cadaadis saaraan kooxda reer Spain, si kastaba ha ahaatee, kooxda tartanka difaacaneysa ayaa awoodi weysay inay darbo ku tijaabiso goolhaye Iker Casillas qeybtii hore ee ciyaarta, kooxda reer Germany ayaana lagu qasbay inay dhaliso shan gool si ay ugu soo baxdo finalka tartankaan. Iyadoo qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo ay hogaanka ku heyso Real.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa war xun ka helay kulankaan, inkastoo ay kooxdiisu qeybtii hore dumisay Bayern ka dib markii uu jaale qaatay Xabi Alonso daqiiqadii 38aad ee qeybtii hore ee ciyaarta, kaasoo haatan seegi doona finalka Lisbon.

Bayern ayaa daqiiqadii 57aad ku dhowaatay fursad ay hal gool ku dhalin kartay, Robben ayaa 25 yards darbo saran kasoo gamay, laakiin goolhaye Casillas ayaan isku dhibin iyadoo shabaqa hareer martay.

Goolhayaha heerka caalami ee dalka Spain ahna kabtanka Real ayaana daqiiqadii 60aad darbo joog hoose ka ah beeniyey Ribery, ka hor inta aysan Real soo marin fursad ay goolkeedii afaraad ee ciyaarta ku dhalin kartay shan daqiiqo ka dib iyadoo qaab ciyaareed daafac liitay oo ay soo bandhigtay Bayern ay keentay inuu Coentrao darbo ku abaaro goolhaye Neuer oo si kastaba beeniyey.

Cristiano Ronaldo ayaana goolkiisii 16aad ee Champions League ka dhaliyey Munich iyadoo Madrid ay dumisay kooxdii tartanka difaacaneysay ka dib markii uu laad xor ah oo taraarax ah ku shubay shabaqa Bayern daqiiqadii 90aad dhamaadkii ciyaarta. Madrid ayaana 4-0 ku badisay iyadoo raadineysa La Decima koobkii 10aad ee Eurpean Cup ama Champions League, waxayna gaartay finalkeedii 13aad ee Koobka Kooxaha Yurub.

Madrid oo celcelis ahaan guushaas 5-0 ah ku tiigsatay finalka Champions League ee 24ka May ka dhacaya garoonka Estádio do Sport Lisboa ee ay leedahay kooxda Benfica, iyadoo finalka ku sugeysa midkood kooxaha Atletico Madrid iyo Chelsea oo Arbacada kulanka lugta labaad ee wareega semi-finalka Champions League ku kulmi doona Stamford Bridge iyagoo lugtii hore ee Madri.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada