Dowlada Mareykanka:- oo Shaaca ka qaaday in ay Balaarineyso howlgalkooda Qaarada Africa

Dowlada Mareykanka:- oo Shaaca ka qaaday in ay Balaarineyso howlgalkooda Qaarada Africa

daajis.com:-Taliska ciidamada Maraykanku Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay balaarinayaan howlgalkooda qaarada Africa,kaasi oo u jeedkiisu lagu sheegay in kor loogu qaadayo Xaalada nabad galyo.

AFRICOM ayaa waxaa la aas-aasay sanadkii 2008,kaasi oo maamulkii madaxweynihii hore ee Mareynkanka W.Bush uu dhidabada u aasay,iyadoo maamulka madaxweyne Obama la sheegay inuu dadaal buuxa giliyay sidii uu horay ugu sii wadi lahaa.

Taageerada dhanka nabad galyada ee Mareynkanka uu siinayo wadamo Soomaaliya ay ka mid tahay ayaa waxaa kala qeyb qaadanaya wadamo ka tirsan Midowga Yurub oo iyagana sheegay inay bixinayaan dhaqaalo iyo Maskax intaba.

Mareynkanka ayaa si gaar ah farta ugu godayin taageerada xaga Malitariga ay tahay muhiimada koowaad ee Soomaaliya,inkastoo ay jirto in Mareynkanka uu daneynayo kor u qaadista dagaalka Burcad Badeeda Soomaaliya.

Nigeria ayaa qeyb ka ah wadamada Mareynkanka iminka uu diirada Saarayo inuu siiyo caawinaad dhanka Malitariga ah,isagoo u sababeynaya in Dowlada dagaal adag kula jirto Urur lagu magacaabo Boko Haram oo si xoog leh kaga soo horjeeda waxbarashada reer galbeedka.

Dowlada Mareynkanka ayaa saldhig malitari oo kula dagaalanta Ururada Xiriirka la leh Al-Qaa’ida ee ka jira Qaarada Africa gaar ahaan Galbeedka iyo Bariga Africa waxay ku leedahay dalka Jabuuti Ee Caasimadiisa Djabuuti.

Midowga Yurub iyo Mareynkanka ayaa Soomaaliya waxay ka taageeraan dhinacyo badan oo amaanka ugu horeeyo,iyadoo horay Dowlada Mareynkanka u shaacisay in tiri yar oo Ciidamo ah ka joogaan Soomaaliya,kuwaasi oo Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM siiya tababar dhanka Ciidanka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada