Maxaad kala socotaa astaamaha Lixda Nin ay aadka u Neceb yihiin Dumarka?

Maxaad kala socotaa astaamaha Lixda Nin ay aadka u Neceb yihiin Dumarka?

daajis.com:-Safarka dheer ee dumarku ugu jiraan raadinta ninka ugu haboon ee nolosheeda inta ka dhiman ay la qaadan laheyd ayaa ah mid aad u dhib badan iyadoo haweeneydu ay dhibaato badan kala kulanto xulashada xabiibkeeda mustaqbalka.

Si kastaba daraasaad iyo ra’yi uruurin la sameeeyay ayaa lagu sheegay in 6 arimoood nimanka lagu arkaa aysan haweenku marnaba u qorsheynin in ay nolol la wadaagaan amaba ay naftoooda ku aaminaan.

1- Ninka dhaqan caruureedka leh:

Haweenku ma jecla ninka sida caruurta u dhaqma ama u fikira kaasoo aan hiigsanin hami dheer iyo mustaqbal aayo leh

sidoo kale ninka nuucaan ahi waxa uu inta badan ku mashquulsan yahay haasaawe aan dhamaad laheyn isagoo ka gaabsada marka guur iyo mustaqbal lasooo hadal qaado.

waxa uuna mas’uuliyadahaas kasoo qaadaa mid aan isaga looga fadhin oo ay jiri doonaan dad caawiya, haweenka ayaana aad u neceb ninka aan isku tashan.

2- Ninka mashquulka badan ee marwalba shaqo ku mashquulsan:

Waa run in haweenku jecel yihiin ninka shaqeysta ee muruqiisa iyo maalkiisa ku tashta balse haweeneydu gabi ahaanba ma jecla ninka aan siinin daryeelka ay uga baahantahay iyo in uu ihtimaamka ka yareeyo, ragga nuucaan ah ee marwalba mashquulka badan ayeyna haweenku ka cararaan ka hor inta aanba guur la gaarin.

3- Ninka dhaawaca jaceyl hore qaba:

Hadii aad tahay mid kusoo fashilmay xiriir hore oo jaceyl waxaa kula gudboon in aad waqti qaadato oo aad iska ilowdo wax walboo soo dhacay maxaa yeelay haweenku aad bey uga gubtaan marka ay arkaan ninka ay xiriirka la leeyihiin oo ka hadlaya xiriiro hore oo soo maray.

4- Ninka shukaansi baradka ah

Haweenka ayaa ka carara isla markaana aan jecleyn ninka shukaansi baradka ah maxaa yeelay ma ahan mid qibrad iyo waayo aragnimo ku filan ka heysta arimahan mar walba oo isku dhac uu yimaadana waxa uu u caroodaa sida caruurta oo kale isagoo sidoo kale ah mid aad u maseyr badan waxbadana aan kala hubsan.

ficilada nimanka nuucaan ah ayaana ah kuwa aad u fudud, ayagoo aan ka fikirin ka hor inta aysan falka sameyn, haweenka ayaana aad uga fogaada nimanka nuucaan ah.

5- Ninka dhibaatooyinka qarsada oo aan soo bandhigin:

Nimanka qaar ayaa aaminsan aysan habooneyn in ay dhibaatadooda sheektaan ayagoo ka cabsi qaba in lagu maadeysto ama loo arko nin aan karti laheyn, balse haweenka ayaa aad u neceb ninka ka qariya dhibaatooyinka heysta isla markaana go’aansada in uu calooshiisa ku qarsado.

Haweenka ayana jecel in wax walba oo farxad ama dhib ah in ay la qeybsadaan ragooda.

6- Ninka aan safarka badneyn

Dadka qaar rag iyo dumarba waxa ay aaminsan yihiin in safarku uu wanaagsan yahay maadaama muddo ay kala maqnaanayaan lamaanayaashu, isla markaana xiisahii kalgacalku uu meeshii ka bilaabanyo isagoo cusub sidaas darteed ayey safaro ku kala maqnaadaana labada isqabta sanadkiiba dhowr jeer.

si kastaba haweenka ayaa aad u neceb oo ka haajira nimanka safarkoodu badan yahay isla markaana safarkoodu uu yahay mid mudooyin dheer qaadanaya.

Arintan ayeyna haweenku aad u dhibsadaan, ayadoo soomaalida samankaan jirtaana ay aad ugu badan tahay arinkani, waxaana haboon in haweeneyda aan laga maqnaan muddo dheer, maxaa yeelay meesha waxaa ku lumi kara waajibkii guurka iyo baahidii labada qof ay iskaga baahnaayeen oo la gudan waayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada