Ukraine: Madaxweyne Putin oo ka digay cawaaqib xumo

Ukraine: Madaxweyne Putin oo ka digay cawaaqib xumo

daajis.com:-Wasiirka difaaca Ruush-ka ayaa sheegay in ciidamada Ruush-ka ee uu saldhigoodu yahay xadka Ukraine lagu amray in ay sameeyaan dhoola tus militari.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in amarka uu jawaab u yahay dowladda Ukraine oo sheegtay in ay weerartay dad gooni u goosad ah oo taabacsan Ruush-ka oo ku sugan bariga Ukraine.

Goor sii horreysay, ayaa Madaxweynaha Ruush-ka Vladimir Putin, waxa uu sheegay in mas'uuliyiinta Ukraine ay dambi ka galayaan dadkooda, haddii ay xoog u adeegsadaan dibadbaxayaasha ku sugan bariga Ukraine.
Madaxweyne Putin ayaa sheegay in tallaabada noocaas oo kale ah ay leedahay cawaaqib xumo gaar ah.

Baro kontorool

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay u dhaqaajisay magaalada bariga ku taalla ee Slavyansk - halkaas oo ay ku xooggan yihiin kooxaha gooni u gooska ah ee taabacsan Ruush-ka.

Sida laga soo xigtay wasaaradda arrimaha gudaha, saddex baro koontorool oo ay si sharci darro ah ku dhigteen kooxo hubaysan ayaa la burburiyay.
Sidoo kale waxay wasaaradu sheegtay in ugu yaraan shan qof oo ay ku tilmaantay argegixiso la dilay.

Xiriirka Ruushka iyo dowladda KMG ee Ukraine ayaa sii xumaanayay tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Ruushka u janjeeray ee Viktor Yanukovych.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada