Dowlada Soomaaliya oo la Dagaalameysa Suuqyada lagu Iibiyo Hubka ee kuyaala Magaalada Muqdisho

Dowlada Soomaaliya oo la Dagaalameysa Suuqyada lagu Iibiyo Hubka ee kuyaala Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Wasaarada Amniga Qaranka Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaan shaaca ka qaaday in ay la dagaalameyso Suuqyada Madoow ee loo Yaqaan Cirtoogtaha kuwaa oo lagu iibiyo Hubka Dowlada iyo dareeska Ciidanka .

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladu la dagaalameyso Suuqyada Madow ee kuyaala Magaalada Muqdisho laguna iibiyo Hubka sharci darada ah.

Wasiirka waxa uu xusay in ay bur buriyeen Suuq yada Cirtoogtaha ee Hubka Sharci darda lagu iibin jiray , waxa uuna tilmaamay in ay hada jiraan Suuqyo si qarsoodi ah Hubkaasi iyo dareeska Ciidanka lagu iibiyo ayna ka hor tagi doonaan.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa ku hanjabay in ay tilaabo adag ka qaadi doonaan qofkii ay ku qabtaan isaga oo ku hoolan iibinta hubka Sharci darda aah ee lagu iibiyo goobaha ay Dowlada Soomaaliya gacanta ku heyso.

Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ku yaala Suuqyo lagu iibiyo Hubka Sharci darda aah , waxaana hubka la iibiyo qaarkood laga soo xadaa qasnadaha Dowlada iyagoona gacanta u gala Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:50 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada