Pep Guardiola Oo Qirtay In Kooxdiisa Xalay Ladhibtootay Qaladaad badan.

Pep Guardiola Oo Qirtay In Kooxdiisa Xalay Ladhibtootay Qaladaad badan.

daajis.com:-Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Bayern Munich ay sameeyeen qaladaad farabadan ay keentay inay isku duleeyaan Real Madrid, kooxda Los Blancos ayaa timid Allianz Arena iyadoo gurigeeda kusoo badisay 1-0 lugti hore, balse 4 gool oo xalay kaliya dhaliyeen ayaa natiijada kadhigtay mid kucuslaatay kooxda reer Germany, taas usaamaxday Real inay boos kaqabsato Final ka Lisbon.

Bayern ayaan kugalin sii fiican ayadoo lajoogay gurigeeda, iyagoo is arkay 20 daqiiqo gudaheed hogaanka ciyaarta looga qabtay 0-2, iyadoo kuguuldareestay inay xad uyeelaan qaladaadka ay sameeyaan, waxeyna xakameen waayeen weerarada rogaal celiska ee Real.
Guardiola oo laba mar qaaday koobkaan intu joogay barcelona ayaa yiri “Haddi aadan sifiican uciyaarin, aadna si xun isaga difaacdid kubadaha lasoo qaado sidaan oo kale kaliya ayaa dhaceeso.
“Waxaan ka ciyaareynaa heerka ugu sareeyo yurub, qaladaadka noocaan oo kale ah isla markiiba waa lagugu ciqaabayaa, Bayern waa koox weyn, waxaan isku dayi doona inaan kor uqaado ciyaartoydeeda markale.

Halyeeygii hore ee Bayern Munich Franz Beckenbauer oo hadda kusharfan madaxtinimada Bayern Munich ayaa sidoo kale kahadlay ciyaarta “Waxaa jirto maalmo wax walbo aad sameeso aysan ku adeegen halka kuwa kasoo horjeedo wax walbo ay uusameeyo faaido utahay, maantayna waa maalmahaas oo kale.
“Hambalyo Real Madrid, si wanaagsan ayey uciyaareen, run ahaantii way uqalmaan inay boos kahelaan Final ka Lisbon.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada